Daawo Video Cajiib ah :- Kaamero qarsoon oo laga duubay kooxaha Shabaab ka bartay xarumaha muhiimka ah in gaari lagu Qarxiyo!+warbixin

Daawo Video Cajiib ah :- Kaamero qarsoon oo laga duubay kooxaha Shabaab ka bartay xarumaha muhiimka ah in gaari lagu Qarxiyo!+warbixin

daajis.com:-Ururka Al Shabaab oo bilahaan dambe bilaabay dagaal nuuciisa aanan gudaha Soomaaliya laga aqoon kaas oo ay ku qaadeen dhoor xarumood oo muhiim ah ayaa iminka markii ugu horeeysay waxaa la helay kaamero qarsoon oo duubtay qaabka ay dadka u qarxiyaan una laayaan kooxaha ka midka ah ururka Al Qaacida ee weerarada nuucaan ah looga bartay. 

Rag hubeeysan oo ka tirsan ururka Al Qaacida qeeybta dalka Yaman ayaa waxa ay fuliyeen qarax la mid ah kii ay qaadi jireen Ururka Al Shabaab kaas oo ah in marka hore nin wata gaari Miineeysan uu isku qarxiyo afka hore ee xarunta la doonayo in la weeraro ka dibna waxaa lug ama ifantari ku soo gala rag kale oo aad u hubeeysan kuwaas oo Rasaas iyo Bambaanooyin ku dhameystira intii ka bad baaday qaraxii gaariga. 

Kooxahaan oo ku soo labistay dareeska ciidamada Milatariga dalka Yaman waxeey si toos ah u weerareen wasaarada difaaca dalkaas gaar ahaan qeeybta Isbitaalka. Weerarkaan ayaa waxaa lagu qaarajiyay 52-qof oo shaqaale Ajaanib ah ay ku jireen waxaana lagu dhaawacay 167-qof oo kale. 



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada