Dhacdo Naxdinleh "Waligeey inta aan Aduun joogo kuma cafin doono Fartuun Yasiin oo qabsatay qiso dhab ah"".

Dhacdo Naxdinleh "Waligeey inta aan Aduun joogo kuma cafin doono Fartuun Yasiin oo qabsatay qiso dhab ah"".

daajis.com:-Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Fartuun Yaasiin oo ku nool magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegtay in xaalad adag ay soo wajahday kadib marki nin ay muddo ka badan 10 sano jecleyd uu u sheegay inuusan rabin xiriirkeeda oo dhan meelna uu iska dhigay..
Fartuun Yaasiin oo lasoo xiriirtay Shabakada daajis.com, ayaa u sheegtay in ninkaasi ay wada socdeen muddo ka badan 10 sanadood, sheegtayna in xiriirkoodu uu ku soo bilaawday magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya.
“Waxaan wada soconay muddo dheer aniga ayaa jeclaa isaga imuusan I jecleyn imana nacayn,waxaana maalmihi ugu danbeeyey ka dareemay caga jiid waxaan ku dhahay maxaa is bedelay sidi hore kaama arko, wuxuuna iigu jawaabay walaalo ayaanu noqonay, madaxa ayaana I xanuunay runti” sidaasi waxaa dhahday Fartuun.
“waxaan u heystay hadalkiisa kaftan wuu ka dhabeeyey, anigana waan jeclahay wiilkaasi, runti qalbikeyga ayaa jacayl muddo ah ugu haayey, sidaan u jeclaaday waa xad dhaaf, mana ka maarmo ee maxaan sameeyaa walaalayaal Talo ayaa idinkaga baahanahaye”.

Talo Bixinta Bahda qaranwade.com:-
Marka hore waxaa mahad iska leh ilaah subxaanahu watacaalaa, intaas ka dib wey dhacdaa qof aad jeceshay inuu ku yiraahdo waalaaltinimo inoogu bedel arinta xiriirka jacaylka ah, waxaad sameysaa muddo maalmo ah u yara kaadi kadibna si tartiib tartiib ah uga dhaadhici in jacaylka aad u qabto uu yahay mid xad dhaaf ah, una sheeg hadii aad isaga weydo in aduunka uusan kuu cuntameyn noloshaadana ay qatar geleyso, waxa bad baadi karana uu yahay isaga iyo ilaah subxaanahu watacaalaa.
source:qaranwade
Fadlan Talo sii Gabadhaan somaliyeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada