ila Tali:- sheikh Waxaan ahay gabar aanan weli gaarin 18 sano oo Jaceyl Iney Noqodo Haayo” Aqriso sheeko cajiib ah

ila Tali:- sheikh Waxaan ahay gabar aanan weli gaarin 18 sano oo Jaceyl Iney Noqodo Haayo” Aqriso sheeko cajiib ah

daajis.com:-KHATAR CADIim Asc sheeq talo kale ayaan u baahanahay (talana waa tii allah) waxaan doonayaa inaa ka faa’ideesto dadka iga waayo aragsan oo diinta sifiican u yaqaan.
Sheeq waxaan ahay gabar wax barata aan wali 18 sano gaarin waxaana jooga wadan gaalo waxaan isbaranay wiil soomaliyeed oo aad igula fiican markaan xaga diinta ka eegay wuxuuna isoo ban dhigtay guur anigana waxaan ku dhahay waalidkeeyga iga doono oo waalidkeyga ayaan ka dambeeya (markaas wuu soo fikiray wuxuuna ogaaday in wadamadaan galada la ogaleen in gabarta la guursan karin ilaa ey 18sano ka gaareyso. markaas wuxuu igu dhahay hada ayaan ku sii nikaax sanaa cidna uma sheegeeyno markan ku nikaaxsado adiga gurigaaga ayaad u laabaneeysa oo aniga far kuma saarayo markii aad 18sano gaarto ayaan waalidkaaga kaa soo doonanaa waxna iska sii baro intaa 18 ka gaareysid.

Marka sheeqow maxaad igula talin laheed (ma rayi fiicanaa mise? jazakallah kheyr…
Jawaab :
Wac salaam wr wb, Adeer waa mahadsantahay kalsoonidaada. Wuxuu kuu sheegay ray’i fiican maaha waa Khatar Cadiim.. Ha dhegeysan warkiisa.. Waa waraabe raba cidla inuu kugu cuno..ninka ka cararaya reerkaaga inuu kaa doono xumaan kaluu wataa, daacadna kama aha arrinta.. Nikaaxuna adeer maba ansaxayo sidaan marar badan sheegnay hadaan weligaagu ogayn…
Tan kale Adeer waxaad ogaataa adiga iyo gabdhaha kula midka ah, guurka weligiin ha kala cararina ehelkiina, waayo aabaha iyo walaalaha wey kaa naxayaan, bahalahana wey kaa celinayaan, nimanka kusoo doonayna wey kaa hubinayaan, sidaas ayaa sharcigu isugu xiray gabadha ogolaansheheeda, oo weligu ma qasbi karo, iyo weliga ogolaanshihiisa, oo gabadha keligeed isma guurin karto, for the best interest of the girl, si gabadha sharafteeda iyo maslaxadeeda loo ilaaliyo…
Markuu ku leyahay: waan is nikaaxsaneynaa cidna uma sheegeyno! Hadaan cidna loo sheegin, aabahaa, walaalahaa, sidee ayuu nikaaxa ku dhacaa? Waa nikaax beena oo aan sax ahayn..ka dibna waxa ku xiga: Haye inna keen xaaskaygii ayaad tahay, xalaal ayaan isu nahay, isu kay dhiib.. Ka dibna adigoo sidii mara duuga noqotay ayuu kusoo tuurayaa.. War gabdhahaan masaakiinsanaa!
Waxaan kusoo gabagabaynayaa waxaan aad ugu yeeraa in guurka la fududeeyo, laakiin wadadiisa sharcigaa la mariyo, waxaan waalidiinta yurub ka codsadaa iney wiilasha iyo gabdhaha isku nikaaxaan, iyagoo guryaha waalidinta jooga, si ay saaxiib iyo xaas u wada ahaadaan, laakiin nin mugdiga doonaya inuu wax ku dhamaysto waa beenaale sida badan… Asxaabtuna talada wey kuugu darayaan, wabillaahi tawfiiq ee la soco
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada