Daawo Video :-Hijradda oo badashay Taariikhda Dunida qeybtii 1-aad

Daawo Video :-Hijradda oo badashay Taariikhda Dunida qeybtii 1-aad

daajis.com:-Hijrada Nabi Maxamed NNKH ee uu ka haajirey magaalada Makka si uu u badbaadiyo diintiisa Islaamka ayaa waxaa la sheegay inay gebi ahaanba ay badashay taariikhda aduunka aan ku nool nahay. 



Nabi Maxamed NNKH oo markii uu ula yimid diinta Islaamka dadkii uu ka dhashay ee reer Qureesh ay kala horyimaadeen dagaal iyo dhibaato baaxad weyn iyadoona madaxiisa la dul dhigay 100 halaad oo geel ah ninkii ku keena nolol ama geeri ayaa waxaa ay arintaas ay ku qasabtey inuu isaga baxo magaaladii uu jeclaa ee uuna ku noolaa waligiis ee Makka si uu u badbaadiyo diinta Islaamka ayadoona uu ka haajirey magaaladaas asaga oo ay waheliyaan dad yar o ka mid ahaa taageerayaashiisa, Nabiga ayaa waxaa uu u haajirey dhulka xabashida si uu ugu nabad galo islamarkaana uu halkaas uga sii wado faafinta diinta islaamka, Laakiin Carabtii uu ka dhashay ayaa arintaas ay u cuntami weysay ayagoon uga daba yimid halkaas islamarkaana isku dayey inay dib ugu soo celiyaan Makka islamarkaana la marsiiyo ciqaab maadaama uu la yimid wax aan la aqbali karin oo ku cusub dhaqanka iyo sharafta dadka uu ka dhashay. 


Ugu dambeyntiina iyadoo Nabi Maxamed NNKH uu dhibaato weyn kala kulmay sidi uu faafin lahaa diinta islamka ee Muqadaska ah islamarkaana dhibaato iyo dagaal badan ka dib uu ilaahay ku guuleysiiyey inay dadka Carabta ahaa ka horyimid diinta islaamka ah ay qaatan ayaa waxaa waayadaan dambe soo baxay dad sheeganaayo magaca islaamka oo si qaldan u isticmaalaaya diinta islaamka islamarkaana sumcad iyo magac xumo u soo jiiday diinta Islaamka ee sharafta leh iyagoona ka dhigay diinta dhibaatadaas weyn laga soo marey mid laga baqo looguna yeero ama lala xiriiriyo diintii argagaxisada iyo magacyo kale oo aysan mudnayn in loogu yeero diinta islaamka ee uu ilaahay karaameeyey. 

allbanaadir
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada