Daawo Video:- Masar oo qasan & Qaraxyada ka curtay oo faraha ka sii baxaya, waa maxay sababta +Warbixin

Daawo Video:- Masar oo qasan & Qaraxyada ka curtay oo faraha ka sii baxaya, waa maxay sababta +Warbixin

daajis.com:-Qalalaasaha ka taagan dalka Masar ayaa ugu dambeeyntii waxa uu isku badalay Qaraxyo la la beegsanyo xarumaha Milatariga iyo Booliiska taas oo ah saan saan-colaadeed cusub oo ka curtay gudaha dalka Masar. 

Tan iyo markii Milatariga dalka Masar si xoog ah ku rideen madaxweeynihii hore Mr.Maxamed Mursi waxaa sii xoogeeysanayay dhibaatooyinka ka jira dalka Masar balse xaalada ayaa faraha ka baxday maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii ururka Ikhwaanul Muslimiinka lagu daray liiska Argagixisada. 

Xarun Booliis oo ku taala magaalada Mansura oo la qarxiyay waxaa lagu dilay 16-ruux halka uu jiro qarax kale oo ka dhacay gudaha magaalada Qaahira. 16-qof oo caan ka ahaa ururuka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa la soo qab qabtay waxaana weli kacsan dadka taageersan ururkaan iyo hogaamiyahoodii la riday Mr.Maxamed Mursi. 

Shacab badan oo dowlada Masar taageersan ayaa sheegay inay sax tahay 100% in ururka Ikhwanul Muslimiinka lagu daro liiska Argagixisada maadaama ay qasayaan jawiga dalka Masar halka qaar kale nasiibdaro ay ku tilmaameen go´aanka nuucaan ah. 


Arinta ugu yaabka badan ee gudaha dalka Masar ka taagan ayaa waxaa lagu sheegay in hadii kooxo kale oo Argagixiso ah ay wax qarxiyaan dusha loo saari doona ururka Ikhwaanul Muslimiinka maadaama ay iyaga yihiin kuwa foowdada wada. Kooxo kale oo wax qarxiya ayaa ka faaideeystay qilaafka faraha ka baxay ee u dhaxeeya xukuumda Milatariga dalka Masar iyo ururuka Ikhwaanul Muslimiinka. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada