Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax dad badan ku dhinteen oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax dad badan ku dhinteen oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Waxaa Maanta abaaro 10-kii Subaxnimo qarax xoogan oo ah Nuuca Miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay Maqaayad kutaala Xaafada Sii Sii ee Degmada Dayniile gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu aasay dhabarka Dambe Maqaayad ay inta badan fariistaan Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya kuwaa oo miinada lagu qarxiyay xili ay halkaasi fadhiyeen.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay Sagaal qof oo lix kamid ah yihiin Ciidamo katirsan milatariga oo isugu jira haween iyo rag waxaa sidoo kale noola xaqiijiyay in qaraxa dadka ku dhintay ay ku jireen Haweeneydii maqaayada laheed iyo ninkeeda.

Dhaawacyada qaraxa ka dhashay ayaa sidoo kale noola xaqiijiyay in ay gaarayaan ilaa 7-qof oo afar kamid ah xaaladooda ay halis tahay halka dhawacayada kalana ay yihiin kuwa fudud.

Xaalada Goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaa hada dagan waxaana wali halkaasi baaritaano xoogan kawada ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya , lamana oga ilaa hada in dad loo soo qab qabtay qaraxaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa wali lagu arkaya ahilbo go' go'ay iyo dhiig badan oo daadsan waxaana meesha ka muuqanaya xaalad aad u murugo badan oon u saamaxeen dadka caloosha jilicsan in ay arkaan.

ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Soomaaliya oo ku aadan qaraxa xoogan ee Maanta ka dhacay Degmada Dayniile , mana jirto ilaa hada cid sheegatya Masuuliyada qaraxaasi.

Allbanaadir
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada