Dubai oo wacad ku martay in jabineyso rikoorka u dabbaaldagista habeenka sanadka cusub ee 2014.

Dubai oo wacad ku martay in jabineyso rikoorka u dabbaaldagista habeenka sanadka cusub ee 2014.

daajis.com:-Magaalada Saxaraha ku taalla ee Imaaraadka Carabta ee Dubai ayaa wacad ku martay in ay jabineyso rikoorka buugga adduunka ee Guinness World Record ee u dabaaldagga dhalashada sanadka cusub ee 2014 iyadoo balanqaadday in ay cirka dhan ka dhigi doonto holac iy iftiin iyadoo samada u diri doonta ilaa 400 oo kun oo buleerka iftiinka  ah ah goorta ay saacadda isku taagto dhalashada sanadka cusub ee ama nataalaha , waxaana ay kusii rakibeen baaruuddaasi saraha dhadheer ee Dubai caanka ku tahay taasoo suurtagalin doonto in ay magaalada habeenkaasi u ekaato maalin cad , waxaana qaraxyada hilaacaasi dhibac socon doona muusig iyo codad lagu qaabeeyay aftiinkasi , sidaasi waxaa ku warantay dowladdooda.

Dubai ayaa ah magaalo dhaqaale badani leh oo leh dhismayaasha caalamka ugu dhaadheer sida Burj Khalifah oo aah daarta dunida dhan ugu dheer oo dhererkeedu gaarayo ilaa 828 mitir waxaana ay Dubai can ku tahay in ay ka yaabiso magaalooyinka kale ee dunida ug waaweyn. 

Hadaba Dubai ayaa la dhahi karaa waxey noqoneysa magaalada adduunka ugu qurxoon habeenka sanadka cusub ee nagu soo aaddan uu dhalanayo. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada