Waa Maxay sababta uu Justin Bieber fanka uga baxayo ?

Waa Maxay sababta uu Justin Bieber fanka uga baxayo ?

daajis.com:-Rumeyso ama ha rumeysan Fanaanka da'da yar ee Justin Bieber ayaa todobaadkaan shaaciyay in uu iskaga baxayo heesha uuna ka fariisanayo fanka, asigoo ku qoray taasi boggiisa twitter uuku leeyahay , waxaana durbaba dib u sii daabacay arrintan ilaa 100 kun qof oo twitterka ku jirta iyadoo arrintani ay la yaab ku noqotay caalamka dhan qaasatan taageerayaasha Justin Beiber oo dunida loo yaqaan Beliebers sida ay u aaminsanyahin daraadeed.

Waxaa la isweydiiyay sababta keentay in uu Bieber ka fariisto fanka isagoo 19 jir ah oo wali curdin ah , lama oga wali sababta uu kaga baxayo fanka balse waxaa jira in ay qubarada fanka ka shakisanyahin go'aankani uu qaatay ilaa uu ka suurto galiyo , iyagoo aaminsan in uu noqon karo mid uu taageerayaal ku raadinayo Justin.

Uma eka Justin fanaan ama jilaa ku daalay fanka waxaana taasi daliil u ah in uu isbuucaan kaliya soo saaray filim tiyaatareed iyo waliba album heeso collection ah, sidaa darteed arrinkani waxuu noqday mid lala yaabay oo aan loo hayn jawaab rasmi ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada