Top news:- Barack Obama Xaaskiisa Michelle oo furiin dalbatay.

Top news:- Barack Obama Xaaskiisa Michelle oo furiin dalbatay.

daajis.com:-Warar lagu qoray qaar kamida wargeysyada Mareykanka ayaa tilmaamaya in mashaakil ka dhax jiro qoyska Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle, eyadoo la tilmaamay in khilaafkaan uu ka dhashay sawiradii Obama la galay Islaanta Ra'sulwasaaraha ka ah dalka Dinamarca, aaskii Nelson Mandela, Michelle ayaa furiin dalbatay sida wararku sheegayaan.

Sida muuqata Aqalka Cad ayaa mar kale mashaakil is qabsi laga filaayaa, kadib dhacdadii Bill Clinton ee qarnigii tegay, Madaxweyne Obama iyo xaaskiisa ayaa hada labo qol kala jiifta, kadib 21-sano ooy is qabeen, warar hoose ayaa sheegaya in Obama iyo Michelle waayadaan ay is khilaafsanaayeen, eyadoo inta badan Obama uu waqtigiisa la qaato habla kale. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Obama iyo xaaskiisa iskula joogaan kaliya arimaha caruurtooda  iyo xaaladiisa siyaasadeed, Michelle ayaa la kulantay qareenadeeda, iyadoo kala hadleysa furiin,, laakiin Michelle wey joogi doontaa Aqalka cad tan iyo inta watiga madaxtinimo ee Obama uu ka dhamaanayo.

Waxaa xusid mudan in wakaalkada wararka ee France  soo bandhigtay dhowr sawir oo Mr Obama uu kula jirto Ra'sulwasaarada Dinamarca, kuwaas oo sabab looga dhigay carada Michelle.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada