Daawo Video:- Jamaal Osmaan oo xeradii ay ka baxeen raggii weeraray Westgate kusoo wareystay Cali Dheere

Daawo Video:- Jamaal Osmaan oo xeradii ay ka baxeen raggii weeraray Westgate kusoo wareystay Cali Dheere

daajis.com:-Jamaal Osmaan oo ka howlgala Telefishinka Channel4 ee dalka Ingriiska ayaa warbixin muuqaal iyo qoraal leh ka diyaariyay Ururka Al-Shabaab wuxuu ku sheegay in la geeyay xero ay ku tababartaan maliishiyada Al-Shabaab oo ku taal howdka meel ka mid ah Soomaaliya, isla markaana uu ku soo dhex wareystay Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere.


Jamaal wuxuu warbixintiisa ku sheegay in xeradaasi ay ku tababaranayeen maliishiyo tiro badan oo isugu jira dad kala jinsiyo kala duwan. wuxuuna tilmaamay in laga yaabo in dadkaasi ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay dalka Ingiriiska.

Wariyaha wuxuu wareystay Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka hadlay ujeedada iyo damaca Shabaab, wuxuuna Cali Dheere sheegay in muhiimadoodu tahay in dalka xor noqdo, diinta Islaamkana ay dadka ku dhaqaan, ajnabigana isaga baxaan dalka.

Mar la weydiiyay Cali Dheere arintii ka dhacday Westgate ayaa wuxuu sheegay in ay aheyd fariin ku socotay dowladda iyo shacabka kenya, maadaama ay xasuuq u geysteen shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteedna fariintaan gudbineynay waxay aheyd iney naga leexdaan.


Wuxuu tilmaamay Cali Dheere in ay dhacdadaasi aysan aheyn dagaal, balse ay sii wadi doonaan, kuna faraxsan yihiin wixii ka dhacay halkaasi.

Mar uu ka hadlayay Dowladda Soomaliya ayuu sheegay in aysan jirin dowlad Soomaaliyeed balse ay yihiin niman tarbiyada Yurub iyo Mareykanka looga soo lumiyay, wuxuuna Mareykanka iyo Ingriiska uu ku eedeeyay dhibaatada ka taagan Soomaaliya iney mas'uul ka yihiin.

Dhalinyarada Yurub gaar ahaan kuwa Ingiriiska ayuu sheegay iney soo dhoweynayaan sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen xoreynta dalka.

Ugu danbeyntii Warbixinta Jamaal ayaa waxaa lagu sheegay in raggii geystay weerarkii Westgate iney tababarka ku qaateen xerada ciidan ee la geeyay, halkaasi oo tababar noocyo kala duwan ay ku qaadanayeen dad jinsiyado kala duwan leh.


 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada