Dhacdooyin Layaab leh oo soo marey soomaaliya tan iyo markii uu bilawday Khilaafkii uu ku baxay R/Wasaare Saacid.!

Dhacdooyin Layaab leh oo soo marey soomaaliya tan iyo markii uu bilawday Khilaafkii uu ku baxay R/Wasaare Saacid.!

daajis.com:-Bulshada Soomaaliyeed ayaa Xaqiiqsatey in Baarlamaanka Soomaaliya uusan ka duwaneyn Baarlamaanadii hore ee ku meel gaarka ahaa, uuna marey wadadii ay mareen, ka dib markii Khilaaf Dhex marey Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ay Dhinac la safteen halka laga sugayey in ay Dhedhexaad ka Noqdaan Khilaafkaas caqabad ku noqdey Hanaankii Siyaasadeed ee uu Dalka ku jirey , waxaana intii uu socdey Khilaafkaas qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka ay la yimaadeen waxyyaabo dadka Soomaaliyeed ay si aad ula yaabeen ,waxaana ka mid ah in markii uu soo If baxay Khilaafka Xasan Shiikh iyo Saacid oo uu Madaxweynaha uu ka Dalbadey in uu Saacid uu iscasilo ayaa arrintaas waxay u Cuntamiweysey Raiisul Wasaaraha, hase yeeshee markii laga Loodin waayey in ay Iscasilaad ka timaado ayaa wxaa markiiba si Laab lakac loo Abaabuley Mooshin ka dhan ah Raiisul Wasaare Saacid oo inta badan Bulshadu ay Aaminsan tahay in laga soo Abaabuley Madaxtooyada waayo maxaa markii hore loo keeni waayey Mooshinkaas. 

Ma yara Dhacdooyinka la yaabka leh ee uu la yimid Baarlamaanka Soomaaliya oo la islahaa waa Baarlamaan Soomaaliyeed , waxaana Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka aan weydiiyey Su’aal ahayd ma ii sheegi kartaa waxa ay isku Khilaafeen Madaxweyanaha iyo Raiisul Wasaare ? waxaa uu Jawaab iiga dhigey“Waxaan Doonayaa in Saacid la rido si ay Dowladda Soo Soocta aan uga helo Boos” mid kale oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa weydiiyey Su’aal la mid ah Tii aan weydiiyey Xildhibaankii hore? Waxaa uu ku jawaabey “Ma garanayo waxa ay isku Haystaan Xasan iyo Saacid , Dhacdooyinka kale ee la arkey intii uu Bilawdey Khilaafka Labada Mas’uul, waana Dhacdo Ugub ku ah Adduunka in Nin Wasiir ka ah Xukuumad uu ka tirsan yahay uu u Ololeeyeo in Xukuumadiisa la rido marka waa iskoor Cusub oo ku soo kordhey Siyaasada Adduunka.

Intii uu socdey Weerarkii Siyaasadeed ee Labadii Todobaad ee la soo Dhaafey waxaa iyana Diiwaanka Taariikhda galey in Ruux la soo Eedeeyey la yiraahdo isma Difaaci kartid taasina waxaa Horseed u noqdey Baarlamanka Soomaalya oo maalin Cad uu is Hortaago in Raiisul Wasaaraha Wadanka uu ka hadlo Baarlamaanka Hortiisa ,hase yeeshee Saacid ayaa yiri” Waxaan ahay Raiisul Soomaaliya waxaan Xaqu leeyahay in aan ka hadlo Baarlamaanka iska daayee aniga waxaa Xaq u leh Mawaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu ka hadlo Baarlamaanka maadaama uu Baarlamaanka uu Wakiil ka yahay Shacabka “ is Hor istaagaas lagu sameeyey Saacid ayaa dadka qaar qabaan in ay keeni doonto Caqabado Siyaasadeed taasoo horseedi karta in Marka Madaxda Sare ay Barlamaanka u baahdaan in iyana Cod la geliyo Codsigooda .

Bulshada Soomaaliyeed ayaa qaba in sababaha loo ridey Raiisul wasaare Saacid ay Salka ku hayso Dano Siyaasadeed iyo Mansab oo ah in Dowladda Soo Soctaa uu Ruux Weliba uu ku hamiyo Sidii uu uga heli lahaa Xil inta ay taasi jirto lagama yaabo ayey leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed in ay hagaagto Siyaasada Soomaaliyeed waayo Ruux kasta waxaa uu doonayaa Sad Bursi iyo in uu magaca uu huwan yahay uu ku aruusado Hantida Ummada Somaaliyeed sidoo lae Shacabka ayaa qaba in Siyaasadii Shamuumka ahayd ee lagu ridey Saacid ay Dhaawac Siyaasadeed u Geystey Madaxweyne Xasan Shiikh waayo waxay sheegeen in Madaxweynaha uu doonayey markii hoore In Saacid uu si Sahal ah uu ku baxo Balse waxay sheegeen in Saacid uu meel wanaagsan uga soo harey oo ah in Baarlamaanka uu Codka Kalsoonida u qaado taasoo uu si wanaagsan uu ugu qancay Saacid oo sheegey in uu aad uga soo horjeedey in Xaalada adag ee Siyaasadeed ee uu ku jirey Dalka ay u Gudubto Beesha Caalamka isagoo ka doorbidey in arrinka uu galo Baarlamaanka taaso la dhihi karo waa guul uu soo hoyey Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waayo marka arrimaha Noocaan oo kale ah ay Dhacaan waxaa Geli jirey Dowladaha daneeya arrimha Soomaaliya .

Mudane Saacid mudadii uu hayey Xilka Raiisul Wasaaranimo waxaa uu ahaa Raiisul wasaarihii ugu Safarka yaraa waxaana la Xaqiijiyey in uu Saddex jeer uu Dalka ka baxay halka Madaxweynaha uu dalka ka baxay ilaa Dhowr iyo Labaatan Safar , sidoo kale Saacid waxaa lagu Xasuistaa Safarkii Maaratoonka ee uu ku kala bixyey Gobolada Soomaaliyaa Xitaa waxaa uu tagey Tuulooyin , waxaana uu Safarkaas ugu magacdarey Safarkii Xog ururinta iyo Dhageysiga sidoo kale waxaa Saacid lagu Xasuustaa Jabinta Darbiga Faquuqa ee ahaa in uu si Siman ay Xukuumadiisa ugu qaybisey Xilalkii Wasaaradaha Shanta Beeleed ee Soomaaliyeed taasoo ku tusineysa in aysan hore u Sineyn,halka Baarlaamnka uu weli uu ku dambeeyo Haraadigi Faquuqa iyo kala sareynta sidoo kale Raiisul Wasaarhii hore Mudane Saacid waxaa lagu Tiriyaa Siyaasigii ugu Dulqaadka badnaa waayo waxaa uu ku samrey in uu eryo qaar ka mid Wasiiradiisa oo uu ka waayey Wadashaqeyn kuwaa oo la sheegey in aysan Maalin soo Xaadirin Shirarka Golaha Wasiiradda , waxaana u ogol Dastuurka oo Dhigaya in Rasiiul Wasaaraha uu eryi karo Wasiirkii aan ka soo dhalaalin Shaqadiisa hase yeeshee Saacid taasi ma sameyn isagoo sheegey in uu iska ilaalinayey in Khilaaf uu yimaado.

Isku soo Duubaa Saacid waxaa la Dhihi karaa waa Siyaasi Garab Waayey , waxaana Xaqiiqo in Saacid uu ka tagey Taarikh ma Hadho ah,,sidoo kale waxaa Taariikh dhigey 65 Xildhibaan ee ka hor yimid in Saacid Shaqada laga eryo hase yeeshee Su’aasha Isweydiinta mudan tahay Soomaalidu waxaa lagu yaqaan in ay wax Dumiyaan balse kuma wanaagsan in ay wax Dhisaan , Hadaba yaa noqonaya Raiisul Wasaaraha 16-aad oo aan ognaha in ay adag tahay sidii lagu heli lahaa Raiisul Wasaare Cusub iyadoo weli ay Dhagaheenna ay ka sii yeerayaan qaabkii Adkaa ee lagu soo Xuley Raiisul Wasaarihi hore ee Saacid sidoo kale marka la Magacaabo Raiisul Wasaare Cusub , hadana waxaa Adkaan doontaa sidii hadana loo soo Xuli ahaa Golaha Wasiirada hadaba waxaan u joognaa waa Magacaabista Raiisul Wasaaraha Cusub ee 16 aad waxaana ay kala yihiin Magacyada 15 –kii Raiisul Wasaare ee uu Dalka Soo maarey



1- Cabdirashiid Cali Sharmaarke

2- Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

3- Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

4- Maxamed Cali Samater

5- Maxamed Xawaadle Madar

6- Cumar Carte Qaalib

7- Cali Khaliif Galeyr

8- Xasan Abshir Faarax

9- Maxamed Cabdi Yuusuf

10- Cali Maxamed Geedi

11- Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

12- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

13- Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

14- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

15- Cabdi Faarax Shirdoon Saacid

16- ???? 


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada