DAAWO SAWIRADA:- Musharax C/weli Gaas oo laga hor istaagay inuu Tikniko la galo Garowe

DAAWO SAWIRADA:- Musharax C/weli Gaas oo laga hor istaagay inuu Tikniko la galo Garowe

daajis.com:-Waxaa maanta magaalada Garowe si weyn loogu soo dhoweeyay ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas"oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa doorashada xilka Madaxweynenimo ee Puntland ee Janaayo dhici doonta.

Prof. Cabdiweli Gaas ayaa ka hor inta uusan soo gelin magaalada Garoowe kontoroolka birta dheer lagu celiyay iyadoo xubno ka socday xafiiska Madaxweynaha Puntland C./raxmaan Faroole ay u diideen inuu wax hub ah iyo tikniko ah uu la galo magaalada Garoowe.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Wareebe iyo Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland Cumar Cabdullaahi Faroole ayaa ugu hortegay deegaanka birta dheer Musharax Gaas, iyadoo lagu wargeliyay in magaalada Garoowe ay ka caagan tahay Tikniko iyo hub, halkaasina uu buuq iyo is jiid jiid kadib qaab damiin ahaan tiknikadii loogu geliyay Garoowe, iyadoo amaanka Gaas ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Dadweyne fara badan, waxgaradm, Isimo iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa si weyn ugu soo dhoweeyay Garoowe, halkaasi oo ololahiisa uu ka bilaabi doono, isagoo maalin kadib u sii gudbi doona magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Musharaxiinta aysan wax hub ah lasoo geli karin magaalada Garoowe, amaankoodana uu damaanad qaadayo maamulka Puntland, hase ahaatee musharaxiinta ayaa arintaasi dhaliilsan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada