Duruufaha igu hareereysan iyo Dantaa geed igu xireyso mooyee (geeraar calaacal iyo quus tii ugu danbeysay ah )

Duruufaha igu hareereysan iyo Dantaa geed igu xireyso mooyee (geeraar calaacal iyo quus tii ugu danbeysay ah )

daajis.com:-Weli qof aad xad dhaaf u jeceshahay inta ay duruufaha kaa hor istaageen in aad jaceylkaada usoo bandhigato  adigoo haminayo makuu soo bandhigtay in aad wax ka diyaariso arooskeeda ee adiga oo ka niyad xun isla markaana huri la’ ma u istaagtay howsha laguu xil saartay shabakada Rajo Qaran waxay idiin soo gudbineysaa geeraar ka turjimayo  quuxa qalbiga qofka arinkaas oo kale ay qabsato .
Shabakada Rajo Qaran waxay sidoo kale dhawaan idiin bilaawi doono sheekooyin jaaceyl oo aad u xiiso badan oo ay ka mid yihiin qisooyin jaceyl oo dhab ah , rajoqaran waxay xooga saari doontaa qancinta aqristayaasheeda qiimaha badan .
wixii talo iyo tusaalo ah waxaad inoogu soo hagaajin kartaan ciwaanka ah Rajoqaran@hotmail.com ama waxaad inoogu reebi kartaan qeybta Comments-ka .
Duruufaha igu hareereysan iyo
Dantaa geed igu xireyso mooyee
Dareenkeyga adiga ayuu kula jiraa
Dadka adigaan kuugu jeclahay
Darajeyn iyo xushmad badaan
Dahab la moodyey ku hayaa.

Deganaanta eebe ku siiyey
Dulqaadka iyo kaftanka badanaa
Damac kulul igu beeroo
Daar xalaal inaan kula dagoo
Dakeyno farxad kuwado noolaano
Damaceyga yahay oon doonayaa .

Duruufaha igu hareereysan iyo
Danta aa geed igu xirtee
Dahab la moodeyey adigaa
Dagay qalbigi iyo wadaha oo
Daar qurux badan ka dhistee
Daain waxaan kaaga tuugay
Daar aad ku nasatiyo farxad
Deeq inuu kaaga dhigo
Doqon eebe wax kuuguma daro
Dadka kaad u jeceshahay
Daain kama yeelo
Damiir xume aan kula fahmeyn .

Daruufaha igu hareereysan iyo
Dantaa geed igu xireyso mooyee
Dahab la moodyey adigaa
Dagay jirkeyga oo idil

W/Q : C/raxmaan Gacaltooyo

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada