Fariimo Jaceyl :- Ii Damaanad Qaad in Aadan I Cidleyn Doonin Si Aan Qalbigeyga Kuugu Furo..

Fariimo Jaceyl :- Ii Damaanad Qaad in Aadan I Cidleyn Doonin Si Aan Qalbigeyga Kuugu Furo..

daajis.com:-*Keliya waxa aan kaa doonayo waa kalsooni,xoogaa yar oo dhiirigelin ah oo aan kugu iraahdo waxa qalbigeyga ku jiro, Waxaan kaa rabaa xoogaa hagitaan ah oo aan kugu sheego waxa hurdada ii diiday,laakin meesha aan ka bilaabi lahaa ayaanan garaneyn.

* Hamigeygu waa inaad ogaatid inaan helay fursad rajo ah oo aanan ka quusan karin.
* Isku dayga jaceylkaaga waa bilowga nolol farxad leh,mana jecli in ay dhamaato iyadoo aanan bilaaban.
*Ii damaanadqaad inaanan keli ahaan doonin si aan qalbigeyga kuugu furo.
* Iga dhaadhici inaad tahay kan ku haboon inaan la wadaago farxadda iyo murugada,kan dadka oo idil iiga dhaw ee illinteyda aan u ogoleyn iney dhulka ku dhacdo.
* Waxaan rabaa inaan dhankaaga ka ogaado inaan keli aheyn oo uu jiro qof i sugaayo,hadana dhinaceyga taagan,jecel wanaageyga,iina danqanaayo.
* Iisheeg inaan ku qaldaneyn inaan kuu qaado dareen caashaq anigoo aanan qalbigaaga kala tashan inuu ila qaadi karo culeyskaas.
*Maalinwalbo iyo daqiiqad kasta oo dhaqaaqdo waan kaa fekeraa,maskaxdeyda wax ay igu tiraahdaa jooji,laakin qalbiga ayaa igu yiraahda ma joojin karo inaan ku jeclaado.
*Waqtigeyga oo dhan waxaan ku qaataa anigoo ku riyoonaya daqiiqada aad isoo wici laheyd ee aad iigu sheegi laheyd inaad dareensan tahay xaaladeyda oo kale.
*inkastoo aan isku dayo inaan matalo,xaqiiqdu waa inaan joojin karin jaceylkaaga,mana garanaayo sidaan ku dhaafi lahaa.
*Xaqiiqdii maba aqaano sababta aan kuu jeclahay,daajis.com.nafteyda ayaa igu amartay inaan ku doondoono,qalbiga ayaa adiga dartaa u ooman,maskaxduna magacaaga ayey ku soo celcelisaa. Indhaheygu adiga ayey meel walbo kaa raadiyaan.
Iigu bishaaree war farxad leh oo damin kara holaca qalbiga ku shidan,hana qaadin balan aadan oofin doonin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada