Saaxiibkaa Hanad Xariirka U Jar Hadii Aad Dhab I Jeceshahay, Qormada Isbuuca & Qalinkii Waasuge

Saaxiibkaa Hanad Xariirka U Jar Hadii Aad Dhab I Jeceshahay, Qormada Isbuuca & Qalinkii Waasuge

daajis.com:-Wacan oo wanaagsan asxaabta qiimaha badan meel kasta oo aad dunida kaga nooshahiinba waxaan idin wada leeyahay caafimaadsan kuna soo dhawaada barnaamijkeenii qormada isbuuca iyo qalinka waasuge’.

“AQriste ka bogosho wacan qisadaan oo aan filaayo inaad wax badan ka faa,ideysan doonto hadii Allaha awooda sare leh inoo ogolaado waayo waa qiso mudan inaan baal kaga qorno buugaagteena xasuus qorka.
Sida kaaga muuqata diiwaanka qisada waxaa hadal ka 3dax geesood ah oo macnahiisu keenayo laba qofood oo lamaana ah iyo sadaxeeye saaxiib ah oo ka yimid dhanka wiilka isla markaana la donayo in lasoo af jaro.
Qaalid iyo nasteexa waa lamaane waqti badan isla soo qaatay haatana ku han waynaa ka miro dhalinta iyo ka guul gaaritaanka ol olohooda jaceylka waxa aayna doonayaan hadii Alle Swt yiraahdo inay is guursadaan. 
Balse waxaa yimid hakad waayo nasteexa waxa aaysan marnaba doonayan sii jiritaanka saaxiibtinimada ka dhaxeeysa qaalid iyo hanad oo ayaguna ah saaxiibo muda fara badan isla soo qaatay waxayana u sheegtey in farxada ugu wayn aa ka dhiman noloshooda tahay in hanad la cirib jaro si aay ugu raaxaystaan aduunyada.

Hadalkasi waxa uu oodin ku noqdey ‘Qaalid’ oo labada dhinacba aan ka maarmin waayo noloshu dhadhan malaha saaxiib la,aan sidoo kale udub dhaxaad malahan qofku haduusan lamaane haaysan ee dhaxan buu dhax yuuraraa, sidaa awgeed qaalid waxuu waayay jawaab uu nasteexo ku qanciyo, mudo ayuu aamusanaa asagoo goor danbe waydiiyey sababta ka danbeeysa cadaawada intaa la,eke e hanad loo qaaday halka aay ka timid, balse nasteexa waxay hadalkeeda ku soo gunaanudey inaaysan marnaba doonayn hanad xata aragiisa.
Waa hubaal in culeeys badan saaran yahay qaalid waxa uu abaarey guriga hanad asagoo u tagay hanad oo Tv daawanaya wuu ak fariistey, hanad qabaar mooge waxa uu si farxad ku dheehan tahay ku yiri saaxiib qaalid soo dhawaaw hada ayaan ku soo aadi rabay waa Alle mahadii hadii aad adiga timid iyo hadalo wanaagsan.
Bal u fiirso aqristoow hanad waxa uu ka aaminsan yahay nasteexo iyo nasteexo waxa aay ka aaminsan tahay hanad kala duwanaashaha u dhaxeeya, daqiiqado kooban kolkii la wada fadhiyey qaalid waxa uu bilaabay sir baarid asagoo su,aalo maldahan waydiinayo saaxiibkii hanad, waxaa ka mid ahaa su,aalaha uu la hor tagay hanadoow saaxiib dumaashidaa nasteexa ayaan caawa isku soo dhacney waana kasoo tagay waxaan rabaa inaan ka gaarogo,aan waayo uma dulqaadan karo dhibka aay haayso ee maxaad igula talin doonta adiga.
Hanad ayaa kasoo boodey fadhigii raaxada ahaa waxuuna hubaal ku yiri saaxiibkii qaalid maya maya saaxiib halkaas hala aadin, sida aay wax u dhaceen waxaan rabaa inaan isku dayo dadaalkeyga iyo xalinta qalaafkiina waayo ma doonaayo inaan waayo dumaashideey nasteexa waa qof u qalanta ineey noqoto xaaskaada aduun.
Qaalid waxuu ka naxay jawaabta saaxiibkiis asaga oo la yaabanaa daacada uu yahay iyo sida aay ugu daran tahay nasteexo, hadalka ayuu sii watay waxuuna ku yiri saaxiib iga war sug ilaa amar danbe insha Allah waxaan isku dayayaa inaan taladaada qaato oo aan soo af jaro qilaafka hadii lagaga maarmi waayana aniga ayaa kugu soo war celinaayo insha Allah, sidaas ayaa lagu balamay ka dibna waxaa la gaaray waqtigii cashada hanad iyo qaalidna halkii aay ku wada casheeyeen, ka dibna waxaa la isku raacay dibada iyo luga baxsi guud.
Habeenkaa qaalid waxuu dhax maquuranayaa mawjadu kuleyl iyo qabow badan waxuuna is waydiinayaa wadada ugu fudud ee nasteexa looga dhaadhicin karo wanaaga iyo karaamada aay xaga hanad ka leedahay. Goor danbe ayaa la kala hoyaadey la is macsalaameyey qaalidna waxuu aadey gurigiisa balse habeenkaas ma ladin hurdo waxuu soo haabtey taleefoonka asagoo wacitaan u galay lamaanahiisa nasteexa laakiin nasiib daro nasteexa waxay ku adkeeysatay in hanad uu meesha ka baxo ama ayada aau ka baxdo labada tii roon.
Maxay kula tahaya oo go,aan ah inuu qaadan doono ‘Qaalid’ jawaabtaadu waa inoo muhiim inta aan isbuuca xiga ku kulmi doono dhamaadka qisdaan waa ismail “WaaSuge” oo idin leh nabad Galyo. !
Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada