Guri uu dagi lahaa Taliye sare oo katirsan Ciidanka Dowlada oo Maanta laga soo saaray Miinooyin kadibna la qarxiyay

Guri uu dagi lahaa Taliye sare oo katirsan Ciidanka Dowlada oo Maanta laga soo saaray Miinooyin kadibna la qarxiyay

daajis.com:-Waxaa Maanta guri kuyaala Degmada Wadajir gaar ahaan goob aan ka fogeyn Xarunta Villa Baydhabo laga soo saaray miinooyin iyadoona qaar kamid ah Miinooyinkaasi ay qarxiyeen Ciidamada Booliiska.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ku guuleestay in gurigan kasoo saaray ilaa 6-Xabo oo Miino ah kuwaa oo sadax kamid ah la qarxiyay halka kuwa kalana la qorsheenayo iyana in la qarxiyo.

Guriga Miinooyinka laga soo saaray waxaa dagi lahaa Taliyaha Ciidanka Taraafikada Jen.Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) waxaana dadka deegaanka uu kuyaalo gurigaasi marqura la argagaxeen qaraxyada miino ay ku guuleesteen in Ciidamu qarxiyaan.

Jen Cali Gaab oo Warbaahintala hadlay ayaa xaqiijiyay in guri uu dagi lahaa lagu arkay Miinooyin gaaraya ilaa 6-miino Sadax kamid ahna ay Ciidamada Booliiska qarxiyeen waxa uuna taliyaha sheegay in miinooyinkan ay ahaayeen kuwa mar hore halkaasi lagu aasay balse aan dhawaan la galin.

Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaa wali ku aasan Minooyin lagu aasay xiliyo kala duwan iyadoona mararka qaar ay waxyeelo kasoo gaarto caruur iyo dad aan aqoon badan u laheyn Miinooyinka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada