Daawo Sawirada:- Nin Taksiile ah oo aad looga hadal hayo Gudaha Dalka Mareykanka iyo Qeybo kamid ah Caalamka

Daawo Sawirada:- Nin Taksiile ah oo aad looga hadal hayo Gudaha Dalka Mareykanka iyo Qeybo kamid ah Caalamka

daajis.com:-Taksiile lagu magacaabo Gerrdo Gamboa oo mudo 13 sano magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka taksi ku wadayay ayaa lacag gaareysa 294 kun oo dollar waxa uu ka helay gaarigiisa uu uga dhax tagay nin uu soo qaaday.

Gerrdo Gamboa ayaa sheegay in lacagta oo bac ku jirtay moodayay marka hore in qofkii ka dagay gaarigiisa uu shukulaato uga tagay isna wax dareen sidaa u weyn uusan siin uuna galiyay qeybta dambe ee gaarigiisa.

''Wax macno ah iima sameynin bacda waxaana galiyay qeybta danbe ee gaariga waxaan is iri waa shukulaato uu qof ku ilaabay, balse mar aan biririf yar galay ayaan is iri cun shukulaatada waaba lacag fowqal caqli waxaan go'aansaday inaan Booliiska u geeyo Booliiskii ayaa durbaba helay qofkii lacagta ka dhuntay oo ah nin 28 jir ah oo qamaariiste ah oo ciyaara Pokker oo ah Ciyaar qamaar la dhigto '' ayuu yiri Taksiilaha helay acagta tirada badan.

Ninka Taksiilaha ah ee helay lacagta ayaa sheegay in markii Booliiska u geeyay lacagta uu halkaasi yimid ninkii lacagta lahaa ee gaarigiisa uga tagay waxa uuna xusay in uu siiyay ninkaasi 10-Kun oo kamid ah lacagtii uu gaarigiisa uga tagay.

Waxaa cajiib ku noqotay dadweynaha Mareykanaka iyo dadyowga kale ee warbixintan gaaray Ninkan Taksiilaha ah ee helay lacagta tirada badan hadana raadiyay qofkii lahaa si uu lacagtiisa ugu celiyo waxa uuna ninkan noqday mid aad looga hadal hayo meelo badan oo dunida ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada