Layaab iyo Yahuud-- >Daawo Sawirada:- Anelka Oo Loo Heysto Inuu shalay Sameeyay Astaan Dabaaldeg Oo Lidi Ku Ah Yahuuda.

Layaab iyo Yahuud-- >Daawo Sawirada:- Anelka Oo Loo Heysto Inuu shalay Sameeyay Astaan Dabaaldeg Oo Lidi Ku Ah Yahuuda.

daajis.com:-Dabaaldegii uu sameeyay Nicolas Anelka goolkii uu u dhaliyay West Brom kulankii shalayto barbaraha 3-3 ku dhamaatay ee West Ham ayaa waxaa baareysa xiriirka kubada cagta Ingariiska.

34 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay tilmaam looga yaqaano France la quenelle, taasoo dadka qaar ay u arkaan inay tahay salaantii Nazi-yiinta oo la gediyay islamarkaana lidi ku ah Yahuuda ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee labadii gool uu dhaliyay shalayto.

Inkastoo uu Anelka ku cadeeyay waxa uu uga jeeday dabaaldegaan Twitter isagoo yiri: “Dabaaldega waxa uu ahaa kaliya mid aan ugu hibeynayay majaajilistaha saaxiibkey ah Dieudonne”, laakiin hadana afhayeen u hadlay FA-ga ayaa sheegay in xiriirka kubada cagta Ingariiska uu fiirin doono haddii ay tahay in weeraryahanka uu kiis ka jawaabayo iyo haddii kale.

Majaajiliistaha Dieudonne – oo magacaiisa rasmiga ah la yiraahdo M’Bala M’Bala – ayaa ah nin Faransiis ah waxaana uu caan ka dhigay isticmaalka tilmaamtaan isagoo inta badan soo dhiga Internet-ka. Waxaana majaajiliistaha uu hore u sheegay in tilmaamtiisa aysan aheyn mid uu ku aflagaadeynayo Yahuuda.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada