Haweeney Caan ah oo lagu helay Dambi ah in Madaxweyne Obama u dirtay Warqado Sumeesan iyo kuwa Hanjabaad ah

Haweeney Caan ah oo lagu helay Dambi ah in Madaxweyne Obama u dirtay Warqado Sumeesan iyo kuwa Hanjabaad ah

daajis.com:-Haweeney caan ah oo kamid ah Jilayaasha Dalka Mareykanka ayaa si aan gambasho laheyn waxa ay u qiratay in Warqado Sumeesan iyo kuwa Hanjabaad ah qaabka Boostada ugu dirtay Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama.

Shannon Jess Richardson oo 36-sano jir kana mid ah Jilayaasha Caanka ah ee Dalka Mareykanka ayaa Maxkamada horteeda ka qiratay in ay isku dayday in ay sumeyso Madaxweyne Obama ayna u dirtay Warqado hoosta kasumeesan gaar ahaan Sunta halista ah (Ricin).

Haweeneydan aktarada ah ayaa Dacwad oogayaasha Guud ee Mareykanka waxa ay kusoo ooogeen dambiyo dhoor ah oo u badan kuwa culus oo hadii lagu helo ay ugu yaraan muteesan karto 18-sano oo xabsi ah.

Shannon Jess Richardson ayaa eedeemaha loo soo jeediyay waxaa kamid ah in handadaad kula kacday nolosha Madxaweynaha Mareykanka iyo Masuuliyiin kale oo sare waxaana suurto gal ah in lagu qaado dambi ah in ay sameesay iskuday dil Madaxweynaha Mareykanka.

Haweeneydan caanka ah oon wali la ogeyn ujeedka ay ka laheed Hanjabaada iyo Waqradaha Sunta ah ay u dirtay Madaxweynaha Dalka Mareykanka iyo Duqa Magaalada NewYourk ayaa la qabtay wax yar un kadib markii ay falkaasi ku kacday waxaana hada kusocda Maxkamad.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada