Sawirro:- Bannaanbaxyo lagu taageerayo R/wasaaraha cusub oo gobolada dalka ka dhacay

Sawirro:- Bannaanbaxyo lagu taageerayo R/wasaaraha cusub oo gobolada dalka ka dhacay

daajis.com:-Soomaalida ku dhaqan Dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa si weyn usoo dhaweeyeen magacaabista R/wasaaraha Cusub, waxaana saakay Degmooyinka iyo Luuq, Garbahaarey, Baladxaawo, Doolow, Ceel Waaq iyo gobolada kale ka dhacay dibad baxyo ballaaran oo lagu soo dhaweeynayo R/wasaaraha Cusub.

Guddoomiyaha degmada Luuq, Axmed Buulle ayaa warbaahinta u sheegay in dibadbaxu uu yahay mid si nabadgalyo ah ku dhacay, ayna ka qayb-galayaan dadweyne fara badan oo isaga yimid guud ahaan degmada.
“Isku-soo-baxu wuxuu billowday saakay aroortii hore, waana mid lagu taageerayo ra’iisul wasaaraha cusub, runtii innagu aad ayaan u soo dhaweynaynaa magacaabistiisa waana ku faraxsannahay,” ayuu yiri Axmed Buulle.
Dibadbaxyo kale ayaa la sheegay in xalay ilaa saaka ay ka kala dhacayaan magaalooyin badan oo ka mid ah dalka, kuwaas oo lagu taageerayo magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Dr. Cabdi Weli Sheekh Axmed.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo la horgeynayo baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado ayaa wuxuu sheegay inuu dadaal xooggan u geli doono wax ka qabashada xaaladaha dalka, sida sugidda amniga iyo dib u dhiska guud ee dalka.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada