Madaxweynaha Jabuuti oo shaaciyay in uu ciidamo dheeraad ah usoo dirayo Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti oo shaaciyay in uu ciidamo dheeraad ah usoo dirayo Soomaaliya

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladdiisu ay ciidamo dheeraad ah muddo saddex toddobaad gudahood ugu dirayso dalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo gaaraya hal guuto ayaa ku biiri doona ciidamadii horey Djibouti uga joogay gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.

Madaxweynaha Djibouti oo wareysi khaas ah siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay wadaan ciidamada Djibouti iyo dowladda Soomaaliya oo la doonayo in ururka al-Shabab looga qabsado degmada Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan.

Wareysiga khaaska ah ee madaxweyne Geelle u siiyay idaacadda VOA, ayuu uga hadlay muranka u dhaxeeya dowladdaiisa iyo mucaaradka Djibouti iyo sida lagu xalin karo, sidoo kale wuxuuu ka hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaa khilaafka madaxda Soomaalida dhexmara, nidaadmka federaalka ee Soomaaliya iyo qodobo kale,

Wareysiga oo dhammeystiran waxaad ku dhageysan doontaan barnaamijka Martida Makrafoonka ee idaacadda Fiidnimo.

 


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada