Middaan Nafta U Hibeeyey Miyay Sidaan ii Gashey?

Middaan Nafta U Hibeeyey Miyay Sidaan ii Gashey?

daajis.com:-Intaad nooshahey Adduunka wareerkiisa ma dhamaado kaba sii darane waxaa uu kuugu daran yahey kolkaad noqoto hana-qaad misana aad dareento jaceyl.

Anoo waayaha Adduunka ku cusub ayaan jeceyl u qaadey gabar aanu isku xaafad aheyn waxaana na dhex marey Jaceyl walllow aan dhowr bilood kari waayey in aan jaceylka ka dhaadhiciyo gabadhaas, Banuu-aadamka si kastoo oo uu u adag adag yahey ku laa laabasho ka adege waxaan ku laa laabtaba gabadhii ugu dambeyn way iga aqbashey.

Habeenka kama maqnaan haasaheeda waxaana ku kulmi jirney darjiin xaafadeena u dhow, xilliba xilliga ka dambeysa wuu igu sii fidaayey xanuunka gabadha ayaduna maba ogi in ay afka baarkiisa igala heysey laakiin waxaan ogaa ij ay daacad u ahaan jirtey waqtigeena iyo jaceylkeena.

Habeenkaan isa seegno waxaan mari jirey xanuun adag hadey dhacdana waxaan ka wici jirey teelkeeda, hal fariin oo ay iisoo dirto ayaan habeenkii ku seexan jirey, waxaan aheyn laba isu boholyowda xilligey isa seegaan.


Nolosha makula tashatee habeen ayaan waayey intii i beer qaadey markaan telkeeda waceyna wuu dansanaa! qalbiga ku qancin ogee waxaan isku samirsiiyey in ay xanuunsan tahey teelkana uu dab la’aan ka yahey habeenkaas waxaan seexdey ayadoo qabigu ii been sheegaayo ani aqbali la’.

Maalintii dhan telkeeda ma dhaceynin hasse ahaatee habeenkii markii la gaarey ayaan wacey misan waaba sidii balse wiil aanu isku Class ahaan jirney waxana kala sodey sheekada aniga iyo gabadha ayaa ii sheegey in gabadha ay aadey Itoobiya! xanuun hor leh ayaa i qabtey waxaan rumeysan waayey sida ay ii cidleysey gabadhii aan ifka ka raacey.

Waxaan ka badin waayey in aan maanka saaro laakiin illaa hadda oo dhowr bilood kasoo wareegatey waan kari la’ ahey in aan iloobo, waxaan noqodey maqane-jooge.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada