Daawo Muuqaal:- "Cunsuriyiinta Mareykanka ee neceb diinta islaamka oo muran iyo buuq wayn ka Keenay buug manhaj ah!!

Daawo Muuqaal:- "Cunsuriyiinta Mareykanka ee neceb diinta islaamka oo muran iyo buuq wayn ka Keenay buug manhaj ah!!

daajis.com:-Cunsuriyiinta dalkaas Mareykanka ee neceb diinta islaamka ayaa waxaa la sheegay inay muran iyo buuq weyn ay kala hor yimaadeen buug la sheegay in lagu qaato manhajyada dugsiyada sare ee dalkaas Mareykanka oo ayna ku tilmaameen buugaasi in lagu faafinaayo diinta islaamka islamarkaana uu caruurtooda baraayo diinta islaamka arintaasna ay thay mid aan la aqbali karin. 



Waalidiinta caruurta dhigata Dugsiga sare ee Volusia high schools ee ku yaala magalada Florida oo ay weheliyaan cunsuriyiin kale oo neceb diinta islaamka ayaa waxaa la sheegay inay mudahaaraadyo ay ku diidan yihiin buug lagu qaato dugsiyada dalkaas Mareyka ay kala hortageen maamulka iskoolkaas ayagoona dalbanaayo in gebi ahaanba buugaas laga joojiya in lagu qaato iskoolkaas maadaama uu yahay buug u xaglinaayo dhinaca diinta islaamka, Buugaan oo lagu magacaabo World History book oo ah buug ka shakaynaayo taariiqda aduunka ayaa waxaa la sheegay inay gaalada iyocunsuriyaasha diidan ay ku eedeeyeen inuu buugaasi uu si qoto dheer uga hadlaayo diinta islaamka ayagoona sheegay in ka badan ilaa 31 beej inuu buugaas uu ka hadlaayo oo looga sheekeynaayo diinta Islamka halka diimaha kale ee aduunka ka jirana wax yar looga hadlay arintaas oo ay ku sheegeen inaan la aqbali karin islamarkaana ay la mid tahay in caruurtooda gaalada ah la baraayo diinta islaamka oo la maskax doorinaayo. 




Ugu dambeyntiina iyadoo maamulka iskoolkaas uu dheg jalaq u siin waayey codsigaas ku dheehan naceybka ee ay la soo shirtageen waalidiintaas ayaa af hayeen u hadlay maamulka iskoolka waxaa uu sheegay in caruurtaas horey ay kalaasyadii hore ugu soo qaateen casharo ku saabsan diinta Kirishtaanka hadana aan loo baahneyn in la isku qab qabsado arintaas, ayagoo sidoo kale uu maamulkaas sheegay in buugaas lagu qaato iskoolo badan oo ku yaala dalkaas Mareykanka islamarkaana aysan jirin cid dhibaato ka sheegatay arintaas, Qolooyinkaan cunsuriyiinta ah oo u muuqda kuwo ay ujeedadoodu ka wyn tahay biigaas ayaa waxay sheegeen iinay sii wadi doonaan dadaalkaas ay ku diidan yihiin in buugaas lagu qaatoama lagu barto iskoolkaas laakiin arintaas ayaan la aogeyn sida ay ugu hirgali doonto maadaama uu arintaas ka biyo diiday maamulka iskoolkaas. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada