Daawo Video:- Weriyayaashii ugu waa weynaa ee ka howl gali jirey telefishinka Universal oo ka Soo Muuqday Horn Cable!! + Warbixin

Daawo Video:- Weriyayaashii ugu waa weynaa ee ka howl gali jirey telefishinka Universal oo ka Soo Muuqday Horn Cable!! + Warbixin

daajis.com:-Weriyayaashii ugu waa weynaa ee ka howl gali jirey telefishinka caalamiga ee Universal Tv ayaa waxaa la sheegay inay mar qura isaga tageen telefishinkaas oo ayna ku biireen kana mid noqdeen shaqaalaha teleefishinka kale ee Horn Cabletv arintaas oo yaab ku noqotey qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed 


Wariyaasha ugu waa weynaa uguna caansanaa ee ka howgali jirey teleefishinka caalamiga ee Universal Tv ayaa waxaa la sheegay ina isaga tageen teleefishinkaas ayagoona ka soo muuqday telefishink Horn Cable ee Tv xaruntiisa magaalada Hargeysa, Wariyayaasha kala ah Axmed Xasan Cawke iyo Cbadisalaan Hareri oo ka mid ahaa ruug cadaayada ka howl gali jirey Universal Tv ayaa waxaa ay dadka Soomaaliyeed ay mar qura ku yaabeen ka dib markii maalmihii ugu dambeeyey ay ka soo muuqdeen ayaga oo warka ka aqrinaaya telefishinka Horn Cabletv xaruntiisa magaalada Hargeysa, weriyayaashaan oo ka mid ahaa shaqaalaha ka howgala telefishinka Universl Tv islamarkaana ka mid ahaa kuwa ugu fir fircoon oo ku lahaa telefishinkaas barnaamijyo joogta ah ayaa waxaa la ogeyn sababta ka dambeysay inay u wareegaan telifishinkaas Horn Cabletv. 



Ugu dambeyntiina iyadoo aysan wali kala cadeyn sababta rasmiga ah ee waryayaashiis culus ee qiimaha iyo qadarinta ku leh umada Soomaaliyeed ay uga tageen telefishinkii ay ka howl gali jireen ee Universal tv ayaa waayadii ugu dambeysay waxaa jirey in qaar ka mid ah shaqaalaha ka howl gala telefishinka Universal Tv ay isaga tagaan telefishinkaas iyadoona ay horey uga tagtey weriyaha weyn ee caanka ah ee Aamino Muuse Weheliye, Sidoo kale ayaa bishii hore ee sanadkaan ay isaga tagey telefishinkaas Nimco Maxamed Cabdi (Nimco Degan) oo la daadihin jirtey wariye Maxamed Siciid Saxafi barnaamijka maaweelada ah ee lagu magacaabo Ii Wad sheekada, Haweeneydaan ayaa waxay sabab uga dhigtey ka tegisteedaas in laga inqilaabay barnaamijkeedii maadaama lagu cunsuriyeeyey fikirkeeda ah inay aaminsan tahay qadiyada gooni isu taaga Soomaaliland. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada