Jaceyl:- Calafka Ayaa Iga Hiiliyay ,Qiso Xanuun Badan

Jaceyl:- Calafka Ayaa Iga Hiiliyay ,Qiso Xanuun Badan


daajis.com:-Bartu waa caasimadda Muqdisho waxaan go’aasadey in aan iska diiwaan geliyo mid ka mid macaahidda wax lagu barto ee ku yiiley xaafadeyda, anigoo xiiso u qaba ayaan imid xaruunta xafiiska u aheyd iskuulkaan u socdey awalkiiba.

Iskuulka waxaa lagu bartaa aaladda Computer-ka hadda markii aan imid xafiiska waxaan ugu imid maamulaha iyo gabar kale oo iyana iska diiwaan gelin rabtey iskuulka, salaan kadib ayaan bandhigtey ujeedkeygii waxaana si laab furan la iigu yiri soo dhawoow laakiin gabadhaan ayaa kaa horeysee sug inta ayadana

looga dhameynaayo waxaana la iigu baaqeyn in aan fariisto kursiga martida ee dhex yiiley xafiiska.

Inta uu maamulihii gabadha wareysanaayey anna waxaan mashquul ku noqdey gabadha waayo gabadhu waxay laheyd jaah waxaana ka muuqatey asluub taasoo laga dheehan karey su’aalaha maamulaha weydiinaayey sidey uga jawaabeysey, waxaana is iri hadaad mar uun heli laheyd qaab aad gabadhaan kula xariirto wey kuu dhacan laheyd.

Markii gabadha loo dhameeyey ayaan anna is diiwaan geliyey kadib markii Form la iga buuxiyey waxaa la igu yiri gal fasalka No 4, layaabkeyga haddiiba aan galey fasalkii waxaa joogtey oo ardeydii ku dhex jirtey gabadhii haddayi xafiiska iiga horeysey!

Haddaba fasalka oo maalin ama laba maalin uun casharadiisa na dhaafeen ayaa macalinkii waxaa uu nagu yiri labada ardey ii maanta isa soo diwwan gelisey waa in ay joogaan xisada kadib si loogu celiyo casharadii dhaafey ee ka horeeyey!
Xiisadii kadib waxaa isu kali yeeysaney ani iyo gabadhii waxaana na wehliyey macalinkii, haddaba macalinkii ayaa cabaar cashar horey noo dhaafey noogu celiyey markaanu fahaney ayuu naga tagey asoo nagu yiri ku cel celiya cashadaan oo ahaa maadada Software-ka.

Si xishood ku yiri ayaan gabadhii casharada ula baraatikeeyey, maadaama aan horey Internet-ka u isticmaali jirey misana aan English-ka wax xoogaa aqoon u lahaa gabadha aniga ayaan hogaan u noqdey oo wax weyn ku dhaamey ayaduna aad bey iila dhacdey qaabka aan ula baraatikeeyey.

Haddaba markii aanu kasoo baxney iskuulka ayaan isku soo lu darsaney gabadhii waxaana na dhex martey sheeko ugub ah anagoo iska warqaadney xaafadaha aanu kala daganahey Muqdisho waxaana kala noqney laba xaafada oo kala duwan laakiin waxaanu halkaas ku kala qaadaney telefoonadii iyo cinwaano baraha Bulashada ah.

Markii aan xaafadey tegey ayaan isla habeenkii waxaa usoo direy gabadhii fariin qoraaleed gaaban anoo ugu sheegayaa in ay tahey gabar asluub leh si sharaf leh oo qiimeyni ku jirto ayey mid la mid ah iigu soo dirtey telkeyga.

Maalintii xigtey ee iskuulka aan imid waxaana u imid ayadoo meel koone ka fadhida iskuulka si sheeko doonis ku jirto ayaan u tagey waxaana ku salaamey salaan dagan si la mid ayey iiga qaadey waxaana na dhex marey sheeko goos goos ah oo inta badan ku abaaran dhanka iskuulka iyo dhalinyarada maanta.
  1. Haddab si walbaba ha ahaatee gabadhii sidii aanu maalin walba u sheekeysan jirney oo iskugu soo jirney telefoono iyo fariin qoraaledyo gaagaaban waxaa noqoney lamaane isku dheer waxaana gaarney heer aanu ku kulano xaafadaheena.
Iskuulka ayaa waxaa lasoo gaarey xilligii aanu dhameyn laheyn maadadii aanu ka baraneyney waxaana uu jaceylkiina aanu ku gaarney axdi ah in aan is guursanno markaanu dhameyno maadada.

Haddaba in aanu dhiseynin jaceyl waalidka gabadhaan jeclaa ayaguna waxaa ay sugaayey inta ay ka dhameysaneyso maadadii aanu u joogney iskuulkee waxaa ay siiyeen gabadhii wiil ay ilma-adeer ahaayeen, waxaana maalintii aanu ka aflaxney iskuulka isla habeen lagu war geliyey lamaanteydii in la siiyey wiilkii adeerkeeda isla markaana mar dhow loo guri geyn doono.

Subax hore ayey iigu timid gurigeena mana ku barneyn in xillligaas aanu kullano mana jirin wax ballan ah oo aanu laheyn balse daqiiqado ka hor ayey ayey SMS ahaan iigu soo sheegtey in ay xageyga usoo socoto misana ayba wadada kusoo jirto si ay iigala hadasho arin qaas, durba waxaan oigaadey in ay wax qaldan yihiin.
Haddaba markii ay ii timid ayey warkii xanuunka lahaa dhagaha iiga shubtey balse waxaa ii balan qaadey in dagaal u gali doonto sidii ay u badbaadin lahey gaashaankana ugu daruursan laheyd ka hor tagga caqabadaan, waxeyna waalidkeeda u sheegtey axdiga naga dhaceeyey balse dheg jalaq looma siin waxaana loogu baaqey duco iyo inkaar!

Markii ay ka fursan weydey caqabadaas waxaa ay ku qasbanaatey in ay aqbasho go’aanka waalidkeeda sidaasna waxaa ay ku noqtey oorida ruux kale anna waxan noqdey sidii ilma agoon ah, waxaana nacey nolosha xaafadeydii Muqdisho waxaana soo aadey Kenya ba si aan u iloobo noloshii iga hungowdey! 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada