DAAWO SAWIRRADA:- Dowladda Soomaaliya oo diyaarad Muqdisho ku keentay 131 muwaadin oo ku go`doonsanaa South Sudan

DAAWO SAWIRRADA:- Dowladda Soomaaliya oo diyaarad Muqdisho ku keentay 131 muwaadin oo ku go`doonsanaa South Sudan

daajis.com:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay Caasimadda Muqdisho 131 ruux oo qaxooti Soomaali ah , kuwaasoo ku dhibaateysnaa Magaalada Juba , halka qaar kalana ay ku go`doonsanaayeen Magaalada Bor ee Xarunta gobolka Jonglei ee wadanka South Sudan oo dagaalo dhiig badan ku daatay uu ka soconayo, kuwaasoo sababay geerida laba muwaadin oo Soomaali ah iyo dhaawaca mid kale .

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo ku soo dhoweysay qaxootigaasi Soomaaliyeed garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u kireysay diyaarad gaar ah oo lagu soo daabulo qaxootiga Soomaaliyeed ee dhibaatada kula soo gudboonaatay wadanka South Sudan , waxa ayna tiri:

"Arrinkani waxaa lagu fuliyay amar uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud oo ka damqaday dhibta iyo xaaladda murugada leh ee la soo gudboonaatay dadkeena ku nool South Sudan , Wasaaradda Arrimaha dibaduna waxa ay fulisay amarka Madaxweynaha “.
H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay warfidiyeenada u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya marnaba aaney ka gaabin doonin kaalinteeda badbaadinta iyo sare u qaadida qiimaha muwaadinka .
Qaxootiga maanta dib loogu soo celiyay wadanka ayaa farxad iyo ereyo taageero ah muujiyay markii ay arkeen muuqaalka Wasiir Fawzia Yusuf oo ku soo dhoweyneysa garoonka diyaaradaha , iyadoo ay wehliyeen Xildhibaano , mas’uuliyiin sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibadda , Arrimaha gudaha , Booliska , maamulka garoonka iyo dowladda hoose ee Muqdisho.
Qaxootigani ayaa looga soo daabulay garoonka diyaaradaha basas ay leeyihiin Booliska Soomaaliya , laguna  kala gaarsiiyay xaafadaha ay Muqdisho ka kala degan yihiin , halka qaar kale oo  qoysaskooda aaney deganeyn Muqdisho ay Wasaaraddu dejisay hoteelo si ay nasiino u helaan kahor safarkooda gobolada dhexe iyo kuwa waqooyi ee dalka .
Talaabadani maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday ayaa noqoneysa geedi socod cusub oo ku wajahan daryeelka iyo badbaadada nafta muwaadinka Soomaaliyeed , waxaana lagu wadaa n dib loogu soo celiyo dalka dad kale oo qaxooti Soomaali ah oo  iska diiwaan geliyay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Juba – South Sudan.




















_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada