Salva Kiir oo diiday in uu awooda la qeybsado ninka hogaaminya mucaaradka Koonfurta Sudan

Salva Kiir oo diiday in uu awooda la qeybsado ninka hogaaminya mucaaradka Koonfurta Sudan

daajis.com:-Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa meesha ka saaray inuu awoodda la qeybsado madaxweyne kuxigeenkiisii hore si loo soo afjaro dagaalka.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu Madaxweyne Salva Kiir ku sheegay in kuxigeenkiisii hore, Riek Machar, uusan xaq u lahayn inuu awood qeybsi uu ku hoggaamiyo dalka.

Maanta ayay ku egtahay xilliga ay dowladaha gobolka u qabteen labada dhinac ee ku dagaallamayo Suudaanta Koonfureed inay xabadda joojiyaan iyadoo madaxweynaha Yugaandha uu ka digay faragelin militeri.

Yoweri Meseveni ayaa sheegay in waddamada gobolka ay tallaabo militeri qaadi doonaan haddii ninka hoggaaminayo fallaagada ee Riek Machar uu diido xabadajoojin iyo wadahadal.
Waxaa muuqato in beesha caalamka aanay Yugaandha iyo waddamada gobolka ka horistaagi doonin inay faragelin militeri ku sameeyaan dalkaas.


Safiirka Faransiiska u fadhiyo Qaramada Midoobeey, Gerard Araud, ayaa sheegay in Golaha Ammaanka uusan ka joojin doonin dalalka deriska la ah Koonfurta Suudaan inay ka qeybqaataan dagaalka halkaas ka socda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad gaarayo 180,000 ay ku barakaceen dagaalka ka socda Suudaanta Koonfureed.
BBC-somali
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada