Xanuunka badan ee dadka Iran u dhintaan waa wadno xanuun

Xanuunka badan ee dadka Iran u dhintaan waa wadno xanuun

daajis.com:-Xanuunada ugu badan ee dadka ku nool wadanka iran ay u geeriyoodaan waxaa lagu sheegay inuu yahay wadno xanuunka sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka wadankaasi Iran warbixin ay soo saartay.


Qiyaastii 90,000 oo ruux ayaa sanad walba wadno xanuun dartiis ugu geeriyoota wadanka Iran oo dhan.

Ardeshir Khosravi oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka wadanka Iran ayaa u sheegay warbaahinta in in kastoo ay jiraan dad u dhinta xanuuno kala duwan iyo shilal haddana dadka ugu badan ay u geeriyoodaan wadno xanuun.

Sargaalkaan ma uusan sheegin waxa dadku ka qaadaan wadno xanuunka hase ahaatee tirada ugu badan dadka reer Iran waxay u naf baxaan cuduro kaga dhaca wadnaha.

“Aad baan u dhawaaqayaa in reer Iran badankood sababsadaan cudurka wadno xanuunka haddana ma awoodno inaan sheegno waxa ay xanuunkaan ka qaadaan” ayuu yiri Ardeshir Khosravi.

Da’da ugu badan ee haddana geeriyooda waxay u badan yihiin dad waayeelo ah oo da;dou ka badan tahay 70 sano.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada