Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo laga sii daayay xabsiyada Israel

Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo laga sii daayay xabsiyada Israel

daajis.com:-18-maxaabiis u dhalatay Falastiin ayaa saakay xabsiyada Israel laga siidaayay , iyagoona lagu wareejiyay maamulka Falastiiniyiinta ee Westbank.

Maxaabiistan ayay Falastiiniyiintu usoo dhaweeyeen si weyn, waxaana ay u gudoomeen sidii halgamayaal.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ifka dib ugu soo boxo, waxay iila min tahay anigoo god la iga soo saaray oo banaanka la i keenay", sidaa waxaa yiri Cadnaan Afandi oo mudo 21-sano ah ku jiray xabsi uu ku xukunaa 30-sano.

Sadex ka mid ah maxaabiista ayaa la geeyay marinka Qasa halkaas oo ay kasoo jeedaan.

Dadaalkan lagu siidaayay maxaabiistan ayaa qeyb ka ah heshiis 26-maxaabiis falastiiniyiin ah xabsiga looga sii deynayay kuwaas oo qaarkood ay xabsiga ku jireen 28-sano.
 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada