Layaab Tuug:- liqay Sil silad Dahab ah oo la cunsiiyay 96-oo Moos si looga soo saaro Dahab uu xaday kadibna uu liqay!

Layaab Tuug:- liqay Sil silad Dahab ah oo la cunsiiyay 96-oo Moos si looga soo saaro Dahab uu xaday kadibna uu liqay!

daajis.com:-Damu Gubta oo ah Nin 28-sano jir ah ayaa ku fashilmay dahab uu xaday kadiba uu liqay kagadaal markii ay ogaatay haweeneydii dahabkaasi laheed kuna dalbatay dad badan oo rikaab ah oo xiligaasi la socday.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Magaalada Kalyanee ee Dalka Hindia, ninkan burcadka ah ayaana Haweeney rakaab ah oo saarneed Tareen waxa uu ka xaday sil silad dahab ah oo qoorta uga xirneed isagoona si kadis ah markii la ogaaday ku liqa dahabkii uu xaday.

Dahabkan oo gaarayay 11-Gram ayaa haweeneydii laheed waxa ay ku qeylisay in ninkan uu ka xaday dahabkeeda iyadoona gar gaar weediisatay dadkii rakaabka ahaa ee Tareenka la saarnaa waxaana xiligaa kadib lagu soo yaacay ninkii tuuga ahaa balse markii la qabtay ayaa laga waayay wax dahab ah in uu gacanta ku hayo.

Ciidamada Booliiska oo loo gacan galiyay Ninkan burcadka ah ayaa baaritaano X-rey ay marsiiyeen kadib ka waayay caloosha ninkan in uu ku jiro wax dahab ah uu liqay balse ugu dambeyn ayaa hadana la saaray Cumputer (Ultrasound) kaa oo lagu ogaaday in ninkan Calooshiisa uu dahab ku jiro.

Ciidamada Booliiska iyo dadkii rakaabka ahaa ee saarnaaTareenka ayaa ninka Burcadka ah waxa ay si qasab ah ku cunsiiyeen ilaa 96-Xabo oo Moos ah si looga soo saaro Dahabka uu liqay kuna jira Calooshiisa.

Ninkan ayaana ugu dambeyn soo matagay dahabkii uu xaday , waxa ayna Ciidamada Booliiska sheegeen in ninkan dhoor mar uu xirfadan oo kale ku dhacay dad badan balse uu muteesan jiray kaliya xarig mudo kooban ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada