Sawirro:- Madonna oo burisay Jaceylkeedii ka yaraa

Sawirro:- Madonna oo burisay Jaceylkeedii ka yaraa

daajis.com:-Warbaahinta caalamka ayaa si weyn ugu hadlay Jaceylka burburay ee Fanaanadda caanka ah Madonna iyo Brahim Zaibat oo 25 sano jirka ah, kaasoo ay ka weyn tahay 30 sano.

Jaraa´idyada waaweyn ee kasoo baxa Mareykanka ayaa waxay daabaceen in Madonna oo 55 sano jir ah iska erisay Jaceylkeedii 30-ka sano ka yaraa Brahim Zaibat (25) kaas oo ay sadex sano ka hor xiriirkoodu bilowday.

Dhawaan ayaa waxaa ay aheyd markii Madona lagu arkay iyadoo la socota odaygeedii hore Sean Penn xili ay ku damaashaadayeen dalka Haiti oo fasax u tageen.




Madonna iyo Brahim Zaibat
Madonna waxay dhashay labo caruur ah iyo Labo ay soo korsatay, kuwaasi oo wada nool.

Madonna ayaa ah fanaanad iska yaabis badan, sidoo kale waa fanaanad guulo badan taageero farabadnna ku leh daafaha caalamka, Julay 2012 ilaa Julay 2013, Madonna waxay soo xero gelisay 125-milyan oo doolar, waana qarashkii ugu badnaa ee halsano ay soo xareyso.


Madonna iyo odaygeedii hore Sean Penn
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada