War cusub: Xarakada Alshabaab oo shaacisay in ay Talaabo adag ay ka qadayan Qurba joogta ku soo labaneysa wadanka Gudahiisa.

War cusub: Xarakada Alshabaab oo shaacisay in ay Talaabo adag ay ka qadayan Qurba joogta ku soo labaneysa wadanka Gudahiisa.

daajis.com:-Ururka Al Shabaab, ayaa markii ugu horeysay waxa ay hanjabaado dul dhigeen dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ka soo laabanaaya, ee dib ugu soo laabanaaya Magaalada Muqdisho.
Ninka Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa wuxuu Qurbo Joogta uu ku eedeeyay in Magaaladda Muqdisho ay ku soo kordhiyeen dhaqan xumo.
Wuxuu kaloo sheegay in ay wada shaqayn la lee yihiin Wadamada Reer Galbeedka, sidaasi daraadeedna ay u arkaan kuwo u adeegaaya buu yiri danaha cadowga.
Sidoo kale shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ugu baaqay in ay isaga fogaadaan goobaha ay ku badan yihiin qurbo joogta, Ciidanka Dowladda iyo kuwa Amisom.
Cali Jabal, ayaa wuxuu ku hanjabay in si isku mid ah ay u beegsan doonaan Qurbo Joogtada, Ciidamada Dowladda iyo Amisom, isla-markaana ay shacabka kaga diggayaan in ay isaga fogaadaan.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli Qurbo Joogta Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin isbedal ka dhashay dalka Soomaaliya.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada