War Deg Deg Ah:- R/Wasaare Saacid oo dhacay iyo Baarlamaanka oo Kalsoonida kala noqday Xukuumadiisa

War Deg Deg Ah:- R/Wasaare Saacid oo dhacay iyo Baarlamaanka oo Kalsoonida kala noqday Xukuumadiisa

daajis.com:-Waxaa goordhaw soo dhamaatay Codeyntii loo qaadayay kalsooni kala noqoshada Xukuumada R/Wasaare saacid iyadoona goordhaw Gudoonka Baarlamanaka uu shaaciyay Natiijada Codeyntii loo qaaday Mooshinka ka dhanka ahaa Xukuumada R/Wasaare Saacid.


Tirada Xildhibaanad kulanka xaadirka ahaa ayaa gaarayya 250-Xildhibaan ,tirada Xildhibaanada Xukuumada in Kalsoonida laga noqdo u codeeyay ayaa gaaraya ilaa 184-halka tirada diidayan ay tahay 65- Xildhibaan waxaana ka aamusay hal Xubin oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Kulanka Baarlamaanka ayaana soo xirmay waxaana sidaasi ku dhacay Xukuumada uu Hogaamiyo R/Wasaare Saacid oo maanta si rasmi ah u weysay kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya waxaana la filayaa Madaxweynaha in Dhawaan R/Wasaare Cusub soo magacaabo.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in Shir Jaraa'id uu qabto Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya Prof jawaari , waxaa iyana la filayaa in Warbaahinta la hadlaan Madaxweynaha iyo R/Wasaaarah kuwaa oo dhamaan ka hadli doona Natiijada kasoo baxday codeyntii loo qaaday Mooshinka lagu riday Xukuumada .

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada