Xiddigaha Bollywoodka oo amaanay Nelson Mandela.

Xiddigaha Bollywoodka oo amaanay Nelson Mandela.

daajis.com:-Xiddigo caan ah oo Amitabh Bachchan u horeeyo ayaa ka hadlay geerida halyaygii Koofur Afrika Nelson Mandela oo 5-ti bishaan geeriyooday, eyagoo si aada u amaanay dowrkii wacnaa ee Mandela ka sameeyay caalmka inti uu noolaa.

Amitabh Bachchan ayaa si xeel dheer uga hadlay Mandela iyo waxa uu ku xasuusto, isagoo yiri Amitabh, waxaan aad u xasuustaa Nelson in uu ahaa shaqsi awood badan oo iimaan xoog badan leh, wuxuu ahaa ninka nin ugu adag, wan ka xumahay meel fog ayuu naga aaday ayuu yiri. 

Amitabh waxa uu ka dhawaajiyay in Nelson Mandela uu ka tegay dhaxal qof kasta oo xaq u dirir ah uu ka faa-iideysan karo, waxaa sharaf weyn ii ah inaan labo jeer la kulmay lana qaatay waqti dheer ayuu yiri mar kale Cali Dheere.

"Mandela waxa uu heerkaan ku gaaray dabeecad wanaag, waxyaabaha kale lama koobi karo laakiin dabeecadiisa oo kale qof leh weli ma arkin, wuxuu ahaa qof banii'aadam ah.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada