daajis.com:-Muuqaalkii ugu horeeyay sanadka cusub ee 2014-ka ayaa la soo dhigay
barta Heesaha iyo muuqaalada cusub ee Soomaalida waxaana durbadiiba
muuqaalkaan cusub loo qiray inuu xambaarsan yahay qisooyin jaceyl ah
& dhacdooyin horay u dhacay oo dhab ah.
Muqaalkaan cusub oo la magac baxay KARTI JACEYL DHAANTO 2014 ayaa
waxaa ka qeyb qaadanaya gabdho Fanaaniin Cadaan ah oo la heesaya
Fanaanka inta badan gabya ee lagu magacaabo Cumar Cali Cumar (Omar Sii
Sii ) oo hogaamiya kooxda walaalaha Sii Sii Somband oo looga bartay soo
saarista Heesaha u badan
wadaniga & Calan jaceylka .
Qisada ugu yaabka badan ee Muuqaalkaan cusub uu xambaarsan yahay
ayaa ah mar ay gabdho Cadaan ah isku qabsanayaan Fanaankaan
Soomaaliyeed, ka dibna mid ka mid ah gabdhahaan ayaa Fiyoorihii ama
ubixii ay wadatay waxeey la dhaceysaa ama ku tuureysaa gabadhii kale ee
la fadhisay Fanaanka (Maseyr dartiis) !!
Omar Sii Sii oo lagu sheegay Fanaan aad u fur furan oo kaftan badan
ayaa muuqaalkaan cusub ee KARTI JACEYL waxa uu ku soo bandhigay isaga oo
baraya dhalinta Cadaanka ah reer Yurub dheesha Dhaantada Soomaaliyeed
waana Abwaan heesihiisa qaab geeraar ahaan ah u sameysta weliba ay si
weyn u taageeraan dhalinta Soomaaliyeed ee xiiseysa Fanka &
Qisooyinka Jaceylka.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:40 and have
, Published at