Farsamooyin Ku Qasbaya In Ninkaada Uu Baaqi Ku Noqdo Guriga ! Xeeladaan Samee .

Farsamooyin Ku Qasbaya In Ninkaada Uu Baaqi Ku Noqdo Guriga ! Xeeladaan Samee .

daajis.com:- Haween badan ayaa ka sheegta socodka badan ee raggooda oo aan sal dhigin guriga isla markaana aan kala qeyb qaadan arimaha qaarkood ee guriga sida daryeelka caruurta taasi oo cariiri ka dhageysa xaaska .

Ma haysaa xeelad iyo wadooyin aad alifatay oo ninka ugu celineyso guriga hadaba daajis ayaa ku siineys taladaan ee si degan u qaado .

* Biloowga guurkiina ka yeel mid kaala qeyb qaata soo iibinta baahiyaha guriga xittaa alaabta si uu u dareemo in uu ku xeran yahay guriga

* U Ogoloow in uu dooqo nooca cunada aad karsaneysaan oo horay ugu dir wax yaabaha lagama maarmanka u ah cunada si uusan u maqnaan waqtiga cunada , una sheeg in aad cunada cunni karin isaga oo kaa maqan .

* Isku day in aad kala qeyb qaadato daawashada wax yaabaha sida gaarka ah uu u xiiseyo sida Sports-ka oo la taageer kooxda uu ku haysto ama wararka uu daawado kana yeel waqtiyadaas fursad aad kula fariisato oo aad ugu dhawaato.

* Dhib malaha haddii aad iska yeesho( Jisho) in aad xoogaa daalan tahay una baahan tahay in uu kula fariisto si xoogaa aad u soo wanaagsanaanto, balse waqtiga haku dheereyn si uusan u dareemin caajis .

* Mar waliba dhagahiisa maqalsii erayga ah in uu yahay odayga guriga adna aad ku jirto labaadiisa garab mar waliba , ka yeel mid dareemaya in caruurtiisa ay u baahan yihiin adiga oo caruurta u sheegaya in ay u riyaaqeen oo ay rabaan in uu waqti la qaato .

* Sii fursad uu ku baxo una sheeg in aad sugeyso oo aad tabeyso maqnaashihiisa , marka uu soo laabanayana si dariin u soo dhaweey.

* U sameyso waqti aad kula fariisato oo aad sheeko kula wadaagto , una sameey xilligaas nooca mac macaanka iyo shaah balse sheekada yeesan kula galin in aad ganuunac gasho, arimaha aad dhibsaneyso jawi kale ugu sheeg .

* Canaanta caruurta iyo edbintooda ka dhig shaqo u taal odayga iyo waliba abaal marintooda marka ay wax wanaagsan sameeyaan , daajis.com ,tani waxa ay dareensiineysaa in uu yahay mas`uul aan guriga ka maarmin isla markaana adna aadan awoodin in aad qabato booskiisa .


* Ka yeel mid todobaadkii hal mar la baxa caruurta oo soo ciyaarsiiya adna haka harin oo la caawi .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada