Daawo Muuqaal :- Hijradda oo badashay Taariikhda Dunida qeybtii 2-aad

Daawo Muuqaal :- Hijradda oo badashay Taariikhda Dunida qeybtii 2-aad

daajis.com:-Hijrada Nabi Maxamed NNKH ee uu ka haajirey magaalada Makka si uu u badbaadiyo diintiisa Islaamka ayaa waxaa la sheegay inay gebi ahaanba ay badashay taariikhda aduunka aan ku nool nahay. 

Nabi Maxamed NNKH oo markii uu ula yimid diinta Islaamka dadkii uu ka dhashay ee reer Qureesh ay kala horyimaadeen dagaal iyo dhibaato baaxad weyn iyadoona madaxiisa la dul dhigay 100 halaad oo geel ah ninkii ku keena nolol ama geeri ayaa waxaa ay arintaas ay ku qasabtey inuu isaga baxo magaaladii uu jeclaa ee uuna ku noolaa waligiis ee Makka si uu u badbaadiyo diinta Islaamka ayadoona uu ka haajirey magaaladaas asaga oo ay waheliyaan dad yar o ka mdi ahaa taageerayaashiisa, Nabiga ayaa waxaa uu u haajirey dhulka xabashida si uu ugu nabad galo islamarkaana uu halkaas uga sii wado faafinta diinta islaamka, Laakiin Carabtii uu ka dhashay ayaa arintaas ay u cuntami weysay ayagoon uga dba yimid halkaas islamarkaana isku dayey inay dib ugu soo celiyaan Makka islamarkaana la marsiiyo ciqaab maadaama uu la yimid wax aan la aqbali karin oo ku cusub dhaqanka iyo sharafta dadka uu ka dhashay. 


Ugu dambeyntiina Waxaa shir isugu yimid dhamaan madaxdii reer qureysh oo dhan si go,aan looga gaaro Rasuulka Alle SCW iyo diintiisa, shirka waxaa kasoo qeybgalay Ibliis (shaydaan) oo iska soo dhigay qof duq ah, waxaana uu shirka kusoo galay in uu uu yahay nin ra'yi saaxiib u ah, waxaana uu shirkaasi ka ahaa ninkii go,aamadda ansixinayay, wuxuuna ku raacay ra'yiga Abuu Jahal ee ah dilka Nabiga SCW. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada