Qaramada Midoobay oo taageero dheeri ah siineyso Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo taageero dheeri ah siineyso Soomaaliya

daajis.com:-Golaha Amaanka ee QM, ayaa isku raacay in taageero hor leh loo fidiyo DFS, oo haatan ay soo wajaheen weeraro kaga imaanaya Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay ayna ka xunyihiin dhibaatooyinkii ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Afaafka horee Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayagoo tacsi u diray dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadaasi oo ay sheegteen kooxda Shabaab, ayagoo amaanay howlgallada ay wadaan ciidamada Amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo sii socda ayaa lugu sheegay in falalkaasi argagixiso aysan Carqaladaykarin Amniga islamarkaana aaney waxba ka bedeli doonin mowqifkii ku aadanaa in la taageero dowladda Soomaaliya.

Banki Muun xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa isna dhankiisa hadal uu jeediyey ku sheegay inay ka go’antahya in ay taageeraan dowladda Soomaaliya si looga hortago falaalka amaanka ka dhanka ah .

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay,waxaa ay sheegen inta ay ku jireen ka hadlida arrimaha Soomaaliya in dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay looga baahan yahay in ay taageeraan dowlada Soomaaliya, ayadoo loo eegayo waajibka saaran oo hoos imaanaya xeerarka caalamiga ah.
 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada