Daawo Sawirada qaar kamid ah Dugsiyada lagu barto Quraanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho oo la casriyeeyay

Daawo Sawirada qaar kamid ah Dugsiyada lagu barto Quraanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho oo la casriyeeyay

daajis.com:-Marka Hore Allaah Subxaanahu Watacaalaa Ayaa Mahad Iska Leh Allihii Naga Dhigay Umadaha Islaamka Umada Ugu Kheyrka Badan, Kuna Dhaqanta Shareecada islaamka ,Marka Xigtana waxaan u Mahad Celinaynaa Bahda Saxaafada Soomaaliyeed , taas oo had iyo Jeer ka qeyb qaadata Nabada iyo Horumarka Dalkeena .

Sida aan wada ogsoonnahay Tan iyo Burburkii Dowladii Hore ee Soomaaliya wadanka wuxuu soo maray marxalada kala duwan taas oo sababtay in qaar ka tirsan Caruurta soomaaliyeed ay ku dhacdo Waxbarasha la’aan taas oo Mustaqbalkooda Saameen Weyn ku yeelatay , waxayna qaar ka tirsan Caruurtaasi ay Noqdeen kuwa Derbi Jiif ah, kuwa Tuuga ah iyo kuwa Garaabada Aruuriya had iyo jeerna la jirdilo dar xumana ugu noolyihiin Magaalada Muqdisho.

Degmada X/weyne waxay ka mid tahay Degmooyinka Ugu Nabadoon Magaalada Muqdisho , Waxaana ku yaala Goobo Badan ee waxbarasho ,Dugsiga Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Culuumtiisa , wuxuu ka mid yahay Dugsiyada ugu Waa weyn ee Degmada X/weyne Waxaana wax ka barta Arday Tiradoodu Gaaraysa 290 Arday ,waxayna isugu jiraan Wiilal iyo Gabdho iyo Qeyb loogu talagalay Aabayaasha & Hooyooyinka si loo helo Qoysas Muslimiin ah oo wada Xifdisan Kitaaba Alle inoo soo dejiyay waxaana la baraa Baraa Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista, Axkaamta Tajwiidka ,Tuxfaha, Siirada Nabigeena Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa Alle ha yeelee,Fiqiga,Tafsiirka Qur’aanka,Adkaarta,Luuqadaha Carabiga, Soomaaliga,English,Xisaabta iyo dhamaan wixii ku saabsan Diinta Islaamka.

Arydayda waxay isugu jiraan Arday Agooman ah iyo kuwa aan awoodin inay iska bixiyaan Qarashka waxbarasho .

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa isa soo tarayey horumarka Goobaha Waxbarashada ay sameynayeen Guud ahaan Shacabka Ku Nool Magaaladda Muqdisho.

Waxaan Wareysi Layeelanay Maamulaha Dugsiga Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Culuumtiisa Al-ustaad C/qaadir Siidow Ibraahim wuxuuna Sheegay in had iyo Jeerba ay u taaginyihiin sida ay wax u bari lahaayeen Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka ku Dhaqan Degmada X/weyne, sidoo kale wuxuu sheegay ,in Ardayda Dhigata Madarasada Yuusuf ay u kala qeybsamaan 3 qeybood waxayna kala yihiin sidatan

1.Arday Heerka koowaad oo ah kuwa loogu talagalay inay Qur’aanka ku xifdiyaan muddo kooban.

2. Ardayda Heerk Labaad Waa Xanaano kuwaas oo da’doodu ay yartahay waxaana labarayaa Farbarashada Hingaadka iyo Xifdinta Qur’aanka kariimka iyo dhamaan madooyinka laga dhigo Madarasada

3.Heerka Sedexaaad waa qeyb loogu talagalay la dagaalanka Jahliga iyo wax akhrin la’aanta waana qeyb Dadka waaweyn keliya ah.

Gunta iyo Gabagabada Barnaamijkeena Qalin iyo Qoraal oo aan ku booqanay Dugsiga Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka halkaan ayaan ku soo gaba gabeynaynaa






Wabilaahi Towfiiq
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada