Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed oo heesato laba daran Mid dooro ? !!!

Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed oo heesato laba daran Mid dooro ? !!!

daajis.com:-Ra'izul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed ayey ku adkaatay in uusoo Magacaabo Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyadoona markaan ay xiiso beeshay soo Magacaabista Golaha Wasiirada.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Cabdi Wali Sheekh Axmed ay heestaan Culeesyo badan oo ku keenay in uusan wali go'aan qaadan kuna dhawaaqin Golaha Wasiirada ee kamid noqonaya Xukuumada Cusub.

Ra'izul Wasaare Cabdi Wali ayaa culeeska ugu badan kala kulmay Kooxda Dam Jadiid oo iyagu la rumeesan yahay in ay meesha keeneen kuwaa oo hada ku qasbaya in uu ku shaqeeyo ahdaafta Kooxda Xilalka ugu Muhiimsan Xukuumadana uu u mugacaabo Xubno kooxdaasi katirsan iyo kuwa la shaqeyn kara.

Hanjabaada maalin kasta ka imaanaysa Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan in uusan Ra'izul Wasaaraha isku soo haleyn hadii uu golaha Wasiirada kusoo daro Xubno kamid ah Wasiiradii hore ayaa ah culees kale oo Ra'izul Wasaaraha heesata.

Ra'izul Wasaare Cabdi Wali ayaa hada waxaa heesta laba Daran mid Dooro , waa midee in uu dhagaha ka fureesto Baarlamaanka Hanjabaadooda iyo Rabitaanka Shacabka uuna soo Magacaabo Wasiiro u badan Kuwii hore ee katirsanaa Xukuumadii Saacid iyo in uu iska diido Damaca Dam Jadiid uuna qaato go'aan ah Qancinta Baarlamaanka iyo Shacabka uuna keeno Wasiiro isagu soo xushay oon loo yeerin.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Wadada u furan lana filayo in uu qaato Ra'izul Wasaaraha ay tahay qancinta Madaxweynaha iyo Kooxdiisa ku hareereesan iskana ilaabo Hanjabaada kaga imaaneysa Xubno badan oo Baarlamaanka katirsan oo hada biro tumasho wada.

Ra'izul Wasare Cabdi Wali oo horey ugu guul dareestay in Xukuumada kusoo dhiso 30-kii maalin ee Sharciga ahaa ayaa hadana wali laga heyn Golaha Wasiirada iyadoona ay sii dhamaaneyso 10-kii Maalin uu Baarlamaanka ka codsaday in loogu daro.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saacadaha soo aadan uu Ra'izul Wasaaruhu ku dhawaaqi doono Wasiiro ay ku jiraan Xubno kamid ah Golihii Wasiirada Xukuumadii Saacid gaar ahaan Wasiiradii gacanta libaax ka qaatay in Kalsoonida Weyso Xukuumadii ay katirsanaayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada