Man City Oo Dhalisay 99 Gool Xilli Ciyaareedkan Iyadoo Aguero Uu Haatan Uun Ku Soo Laabtay.

Man City Oo Dhalisay 99 Gool Xilli Ciyaareedkan Iyadoo Aguero Uu Haatan Uun Ku Soo Laabtay.

daajis.com:-Manchester City ayaa noqotay koox si weyn u madadaalisa jamaahiirteeda iyadoo dhaliyay xilli ciyaareedkan kaliya 99 gool ka dib markii Sky Blues ay 5-0 ku xaaqday Blackburn kulankii ku celiska FA Cup ee xalayto.

Man City ayaana sii wadata sidoo kale rikoorkeeda gooldhalinta Etihad Stadium iyadoo Alavaro Negredo (labo), Edin Dzeko (labo) iyo Sergio Aguero ay dhamaantood shabaqa soo taabteen.
Xaqiiqda ah in xiddiga reer Argentina Aguero uu shabaqa soo taabtay kaliya 41 ilbirisi uu garoomada ku soo laabtay ka dib labo bilood uu dhaawac ku maqnaa ayaa tusaale fiican u ah awooda gooldhalin ee uu heysto tababare Manuel Pellegrini.
Blackburn ayaa ah kooxdii ugu danbeysay ee ay City goolal badan ku xaaqdo. City ayaa afar gool ka soo dhalisay Man United, shan waxa ay ka soo dhaliyeen Wigan iyo CKSA Moscow, lix waxa ay ka soo dhaliyeen Tottenham, Arsenal iyo West Ham, halka 7 gool ay ka soo dhaliyeen Norwich.
Iyadoo kooxda Premier League ku dhibtooneysa ee Cardiff City ay booqaneusa sabtida horyaalka Premier League, calaamadaha oo dhan waxa ay muujinayaan in City ay xiri doonto boqol gool bartamaha bisha Janaayo.
Sky Blues ayaa sidoo kalena u tartameysa afar koob xilli ciyaareedkan, Premier League, Champions League, FA Cup iyo Capital One Cup.

Laacib. FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada