Daawo Video:- Gabdho Cadaan ah oo isku dagaalay Fanaan Soomaaliyeed & Dhalinta reer Yurub oo baranaya Dhaantada+warbixin

Daawo Video:- Gabdho Cadaan ah oo isku dagaalay Fanaan Soomaaliyeed & Dhalinta reer Yurub oo baranaya Dhaantada+warbixin

daajis.com:-Muuqaalkii ugu horeeyay sanadka cusub ee 2014-ka ayaa la soo dhigay barta Heesaha iyo muuqaalada cusub ee Soomaalida waxaana durbadiiba muuqaalkaan cusub loo qiray inuu xambaarsan yahay qisooyin jaceyl ah & dhacdooyin horay u dhacay oo dhab ah. 


Muqaalkaan cusub oo la magac baxay KARTI JACEYL DHAANTO 2014 ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya gabdho Fanaaniin Cadaan ah oo la heesaya Fanaanka inta badan gabya ee lagu magacaabo Cumar Cali Cumar (Omar Sii Sii ) oo hogaamiya kooxda walaalaha Sii Sii Somband oo looga bartay soo saarista Heesaha u badan wadaniga & Calan jaceylka . 

Qisada ugu yaabka badan ee Muuqaalkaan cusub uu xambaarsan yahay ayaa ah mar ay gabdho Cadaan ah isku qabsanayaan Fanaankaan Soomaaliyeed, ka dibna mid ka mid ah gabdhahaan ayaa Fiyoorihii ama ubixii ay wadatay waxeey la dhaceysaa ama ku tuureysaa gabadhii kale ee la fadhisay Fanaanka (Maseyr dartiis) !! 




Omar Sii Sii oo lagu sheegay Fanaan aad u fur furan oo kaftan badan ayaa muuqaalkaan cusub ee KARTI JACEYL waxa uu ku soo bandhigay isaga oo baraya dhalinta Cadaanka ah reer Yurub dheesha Dhaantada Soomaaliyeed waana Abwaan heesihiisa qaab geeraar ahaan ah u sameysta weliba ay si weyn u taageeraan dhalinta Soomaaliyeed ee xiiseysa Fanka & Qisooyinka Jaceylka. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada