Daawo Video:- Muujinaya xadgudubyada qarsoon ee ka socda dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya hoos taga iyo sir uu fakiyey la taliyihii hore ee Cabdi Cumar.

Daawo Video:- Muujinaya xadgudubyada qarsoon ee ka socda dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya hoos taga iyo sir uu fakiyey la taliyihii hore ee Cabdi Cumar.

daajis.com:-Dad badan oo ka soo jeeda dhulka Soomaaliyeed ee hoos taga maamulka Itoobiya ayaa dhowaanahan waxay ku sii qulqulayeen halkaa iyaga oo ka faa’iideysanayey cafis ay xukuumada Itoobiya u fidisay dadkii taageersanaa xoogagii mucaaradka ahaa heshiiska qaatay. 

Inkastoo aaney xoogagii mucaaradka ku ahaa Itoobiya ee Soomaalida ahaa dhamaantood aaney qaadan heshiiska hadana waxaa loo maleynayey inay intaa ku joogsan doonaan xadgudubyadii baaxada lahaa ee isugu jiray dilka, kufsiga iyo bara kicinta ee ay qabeen dadka degen halkaa, waxaase arimahaas oo dhan fashilay filimo sir ah oo laga helay nin hore la taliye iyo saaxiib ula ahaa madaxweynaha maamulka Jigjiga Cabdi Maxamed Cumar. 

Cabdullaahi Xuseen oo ah ninka sirtan oo muuqaal ah fakiyey ayaa waxa uu iska dhiibay dalka Sweden waxaana gacan ku siiyey labo wariye oo Swedish ah oo la kala yiraahdo Johan persson iyo Martin Schibbye kuwaa oo mudo sanad ka badan ku xirntaa dalka Itoobiya kadib markii la qabtay iyaga oo dhulka aan saxaafada loo ogoleyn ka diyaarinaya barnaamijyo ay doonayeen inay ku soo bandhigaan tacadigaas jiray. 

Cabdullaahi Xuseen oo ahaa gacan yaraha madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya waxa uu ka sheekeeyey dhowr dhacdo oo uu muuqaalo ka soo duubay mid ka mid ah waxaa ka muuqanaya madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar oo siu ekeysiinaya inuu furayo goob ceel biyood ah oo ku taala degmada Galalshe, oo uu dadka biyaha gacantiisa ugu dhaaminayo, waxaana ninka filimkan soo gudbiyey uu tilmaamayaa in arintan ay tahay iidheh siyaasadeed la doonayo in filimka lagu duubto laakiin dhab ahaan aaney xaajadu ahayn dad biyo loogu deeqay. 

Intii filimka la duubayey waxaa ka dhinac hadlayey Cabdi Cumar nin u muuqday inuu yahay dadka degaanka oo hadalo taageero ah dhagaha ugu shubayey Cabdi Cumar iyadoo dadka kalena intooda badan ay aamusnaayeen waxaase is celin weysay haweeney dadkii biyaha soo doontay ka mid ah oo xaqiiqada jirta kaamirada horteeda ka sheegtay in marka uu baxo Cabdi Cumar biyaha la goynaya oo aaney jirin wax biyo ah oo halkaa laga dhaansann doono dhowr marna ay dhacday sidaan, Waxaana su’aal haweeneydii weydiiyey Cabdi Cumar oo yiri ” yaa goynaya?”. ”Nimankan halkan kula jooga hada” ayey tiri haweeneydii. Waxaase warkeeda wax kama jiraan ka dhigay mr. Cumar oo isaguba u muuqday in qorshaha biyaha dadka looga jarayo wax ka og, waxaana uu yiri ” cid goyneysa ma jirto ee iska daa warkaas”. Haweeneydii ayaa filimka ka muuqaneysay iyadoo sii sheegeysa waxa gooba ka jira, waxaase filimka muuqanayey Cabdi cumar oo haweeneyda ku tilmaamaya mid taageersan jabhadda, waxaana ninka filimkaan soo gudbiyey uu sheegay in haweeneydii markii kaamirada la damiyey la watay laguna xiray meel aan la ogeyn. 

Dhacdo kale waxaa muuqanaya Cabdi Cumar oo booqanaya tuulada Malqaqa ayaa waxa uu la kulmay dadki halkaa joogay oo ku cabsi ay ka qabaan darteed ku heesayey inay jecel yihiin isaga waxaase dadkii ka soo dhex baxay nin oday ah oo magaciisa ku sheegay Mubaarak yuusuf kaasoo sheegay in ciidamada Liyuu boolis ee degaankaas ka howlgala ay dadka si macno daro ah u laayaan, ayna jiraan dad badan oo raq iyo ruuxdood aan meelna lagu sheegin, waxa kale oo uu xusay in dadku markeey magaalada adeeg u doontaan jidka hadii lagu arko la iska dilo, waxaase dhacday oday Mubaarak in isna markii duubistii filimku dhamaatay la xiray loona watay meel aan la garaneyn. 

Cabdullaahi Xuseen oo ah ninka arimahan ka sheekeynaya waxaa uu xusay in muuqaalada marka la geeyo Jigjiga muuqaalada dadka wax dhaliilsan laga saarayo kuwii taageersana laga soo deynaya tv taageersan maamulka halkaa ka jira. 

Cabdullaahi mar uu ka sheekeynayey sababta dadka tuulooyinka degen Liyuu boolisku u laayo maxaad u soo sheegi weyseen in jabhadii ay na soo weerareyso, waxaana taas uu ku macneeyey inay la mid tahay maxaad noo ilaalin weyseen. 

Filimkaan oo waxyaabo badan ka hadlay qaarkood muuqaalada qaar uu ninkan af ingiriis kaga sheekeynayo, qaarkood labadii weriye ay af Swedish kaga hadlayaan halka qaarna dadku ay afsoomaali ku hadlayaan intii ugu muhiimsaneyd intaas ayaan ku soo koobeynaaa ee daawasho wacan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada