Talyaaniga oo baaraya xadgudubyo dharka looga dhigay qoxooti ku sugan jasiiradda Lambadusa

Talyaaniga oo baaraya xadgudubyo dharka looga dhigay qoxooti ku sugan jasiiradda Lambadusa

daajis.com:-Dowladda Talyaaniga ayaa bilowday baaritaan ku aadan xadgusubyo dhawaan soo shaac baxay kuwaas oo lagula dhaqmo qoxooti ku jira xerooyin ku yaal jasiiradda Lambadosa.

Xadgudubkan lagu sameeyay qoxootiga ayaa lagu sheegay mid dharka looga dhigayo rag iyo dumar, iyagoona loogu sheegay in cid walba ay mareysi si looga hortago cudur jirka ku dhaca oo jasiiradaasi ka jira.

Dhacdadan sababtay in baaritaan dowladda talyaaniga sameysay ayaa waxaa saxaafadda usoo bandhigay muuqaal uu mobil ku duubay nin qoxooti ah oo Suuriyaan ah kaas oo ka mid ahaa dadkii dharka laga dhigayay.

Dharka marka laga dhigo ayaa waxaa lagu furayay biyo, dabadeedna waxaa la seexinayay qoraxda.

Dowladda ayaa ku tilmaantay dhacdadan mid foolxun eyna ka daba tagi doonaan dadakii ka dambeeyay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada