DIINAARI: - Waxaan rajeynayaa in aan dib u soo celiyo 42 gaadiid oo ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin

DIINAARI: - Waxaan rajeynayaa in aan dib u soo celiyo 42 gaadiid oo ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin

daajis.com:-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda Juba ee South Sudan Ambassador H.E. Abdirahman Nur Mohamed “ Dinari” ayaa maanta kala wareegay dukumintiyo la xiriira lahaansho gaadiid ganacsato Soomaaliyeed oo baabuurtooda ay gacanta u gashay xoogaga dowladda South Sudan ee ku sugan Degmada Pariyang ee ka tirsan Magaalada Bantiu ee xarunta gobolka Unity State ee hodanka ku ah shidaalka , una dhow xadka dowladda South Sudan ay la wadaagto Sudan .

Ganacsade , Farhan Ismael Bile “ Farid” oo ka mid ah guddiga gaadiidka, kana mid ah milkiilayaasha gaadiidka deegaankaasi lagu heysto , ayaa waxa uu cadeeyay in 42 gaadiid oo iskugu jira iskarogayaal  iyo booyado Soomaalidu leeyihiin uu gacanta u galay xoogaga dowladda ee maamula degmada Pariyang , ayna u adeegsadaan howlahooda gaarka ah , isagoo xusay in 80 ruux oo Soomaali ah oo gaadiidkaasi ka shaqeynaayay  ,50 ka mid ah ay ku xayiran yihiin deegaankaasi ,halka 30 kale ay yimaadeen Juba , safaaraduna ay si nabad ah dib ugu celisay Magaalada Muqdisho todobaadkii hore.
Farhan Ismaeil  oo sheegay in wax hanti ah aaney u saarneen gaadiidkaasi ayaa waxa uu ka codsaday Safiirka Soomaaliya ee Juba- South Sudan Ambassador Abdirahman Dinari  in gaadiidkaasi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed uu daba-galo , dibna ugu soo celiyo gacanta milkiilayaasha  , isagoo mahad celin u jeediyay Safiirka  iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda kaalinta waxtarka leh ee ay ka geysteen dib u celinta dadkii ku go’doomay dagaalada ka qarxay South Sudan .
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda Juba – South Sudan Ambassador H.E. Abdirahman Nur Mohamed “ Dinari” ayaa  ka hadlay madasha , waxaana uu yiri “ Dukumintiga waan kaa gudoomay, waxaan u howlgali doonaa sidii aan xiriir ula sameyn lahaa qeybaha dowladda South sudan , waxaan ku faraxsanahay in baaqii aan jeediyay aad ka soo jawaabteen , waxaan rajeynayaa in gaadiidkaasi gacantiina lagu soo celin doono , safaaraduna  waxa ay u adeegeysaa dadka Soomaaliyeed , howsheenu waa ilaalinta  nafta , hantida iyo karaamada dadka Soomaaliyeed , waxaan idin balan-qaadayaa inaan dadaal badan ku bixin doono sidii aad ku heli laheydeen hantidiina” .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada