Daawo Muuqaal :- "Hijriyadda oo badashay Taariikhda Dunida qeybtii 3-aad

Daawo Muuqaal :- "Hijriyadda oo badashay Taariikhda Dunida qeybtii 3-aad

daajis.com:-Hijrada Nabi Maxamed NNKH ee uu ka haajirey magaalada Makka si uu u badbaadiyo diintiisa Islaamka ayaa waxaa la sheegay inay gebi ahaanba ay badashay taariikhda aduunka aan ku nool nahay. 



Sido kale Dhagarqabayaashii qureysh, waxay isku dayeen wax waliba oo ay ugu hor istaagi karaan dhaqdhaqaaqii Rasuulka SCW oo ahaa in uu diinta ku faafiyo Makkah iyo wixii hareeraheedba ah, xitaa ay qureysh gaareyn in ay soo saaraan wareegto dil ah, waxaana lasoo gaaray habiinkii dilka la fulin lahaa, nagartii ay la doonayeen in ay ku fulliyaan Muxamed bin cabdulaahi (SCW) Alle ayaa ka badbaadiyay, dhagartoodii Alle ayaa burburiyay, waxaana uu gurigiisa ka baxay iyagoo hor fadhiya isla markaana aysan arkin nabiga SCW, wuxuuna madaxooda ka buuxiyay ciid iyaga oo aan ka war qabin, Alle weyne ayaana ka indhatiray. 

Markii ay ku fashilmeyn qureysh in ay is hortaagaan asxaabtii Rasuulka SCW u hijroonaysay madiina, qureysh waxaa ay gaartay mowqif adag iyagoo ka baqayay danahooda gaarka ah sida dhaqaalaha,iyo kulankoodii ay isugu imaan jiray qabiilooyinkii carabta ee makkah dagaanaa, sidaasi darteed cabsida ugu weyn ay markaan qabeyn waxa ay aheyd in uu Rasuulka SCW ka haajiro Makkah, waxaa laga wariyay caashida Umul muniinta AKN waxay tiri “ Nama aysan nasoo marin maalin uusan nasoo siyaaran rasuulka Alle SCW subax iyo galaba” ilaa markii rasuulki alle SCW la amray in uu ka haajiro makkah isaga oo kabaxsanaya dhagartii gaalada. 





Ugu danbeyntii Qureysh waxaa ay kala dirtay ciidamdeed dhan waliba oo magaalada kamid ah, iyagoo raadinaya Rasuulka SCW, ka na raadinaya meel waliba oo ay is lahaayeen ama ay ku tuhmi kareyn Muxammad SCW iyo saaxiibkiis, waxayna yimaadeyn buurtii Qaar oo ay ku tuhmayeen isla markaana uu Nabiga CW ku jiray.waxayna soo fuuleen buurtii dusheeda, iyadoo Rasuulka Iyo Abuu Bakar ay maqlayeen hadaladdooda, waxaana Abuu bakar soo food saartay cabsi, iyo dhaxdin aad u daran, markaasuu Abii bakar ku yiri rasulka Alle SCW “Rasuulkii Allow haddii mid ka mid ahi uu lugihiisa fiirin lahaa wuu na arki lahaa". 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada