GAAS: - Xiriirka dowladda faderaalka Soomaaliya waa muhiim

GAAS: - Xiriirka dowladda faderaalka Soomaaliya waa muhiim

daajis.com:-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay in wax yaabaha ama talaabooyinka ugu horeeya oo uu qaadayo ka bilaabayo in uu fuliyo balan qaadyadii uu sameeyay .

''Waxa ugu horeeyay oo aan qabanayno waxa ay noqonaysaa dee inaanu ka fakarno isbadalkaan maadama dadku isbadal ay rabeen iyo inaanu hirgalino balan qaadyadii aan sameeyay ''Ayuu yiri C-wali Gaas .

''Aniga iyo Madaxwayne ku xigeenka ayaa hada joogna wax yaabaha ugu hreeyana waxa ay noqonayaan inaanu dhisno kooxdi nala wadi lahayd howsha ilaa anga kaliya wax mawadi karnee ''Ayuu yiri C-wali Gaas .

Mar madaxwaynaha Wax laga waydiiyay waxa uu kayeelayo xiriirka xumaaday ee u dhaxeeya Puntland iyo Dowlada dhexe ayuu cadeeyay in uu ka shaqaynayo sidii laysugu soo noqon lahaa oo waxa jira looga wada hadli lahaa .

''Waxa ii qorshaysan in laysu soo dhawaado hadoo lays hayo labada dhinacba waxbaa uga go,aya in xiriiriku wanaagsanadoo oo labada dhinac wada shaeeyan muhiim weeye ''Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .

''Hadii uu qof aaminsanyahay fadaraal qofka koowaad ee aaminsan fadaral waa aniga,dastuurka dowlada soomaaliyeedna waxaan ku dhisnay fadaral muhiimad xoog gaar ah ayuu aniga ii lahaa fadaralku''Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .

''Sidoo kale Jubba Land aad baan ugu faraxsanahay dhismaha maamulka Jubba Land uu dhismay oo laftaydu door fiican kasoo qaatay dhismihiisa hore, inta kale waxaan rajeynayna sida Dowlad goboleedka ka abuurmaysa Baydhabo in iyana si deg deg ah loo sameeyo, ka bacdiina gobolada dhexe kooda abuurmo''Ayuu hadalkiisa raaciyay .

Hadalkaan uu BBC-da siiyay Madaxwayne C-wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo aadaya xili dhawaan uu ku guulaystay xilka madaxwaynaha ee Puntland,loogana fadhiyo in uu fuliyo balan qaadyo farabadan oo uu sameeyay .
 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada