Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Wararka Sheegaya in Muqdisho joogaan Saraakiil Mareykan ah

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Wararka Sheegaya in Muqdisho joogaan Saraakiil Mareykan ah

daajis.com:-Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay si cad u qirtay in Magaalada Muqdisho ay ka howl galaan Saraakiil tiro yar oo kasocda Dowlada Mareykanka kuwaa oo gacan siinaya Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.


Siihaayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa qiray Warar ay dhawaan baahiyeen Warbaahinta Caalamka oo ku aadanaa in Muqdisho joogaan Saraakiil Mareykan ah.

Mr Fiqi waxa uu xusay in Magaalada Muqdisho joogaan ilaa 5-Sargaal oo Mareykan ah kuwaa uu xusay in ay Dalka soo gaareen Bishii October ee sanadkii tagay waxa uuna tilmaamay in Saraakiishan ay gacan ka siinayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM Sugida amaanka Dalka.


Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiishan kasocota Dowlada Mareykanka ay talooyin siinayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM talooyinkaasi oo ku aadan sidii ay uga guuleesan lahaayeen Xarakada Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhawaan Saraakiil katirsan Dowlada Mareykanka ay qireen in Magaalada Muqdisho ka joogaan Saraakiil tiro yar oo gacan siinaya Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada