Top News :Beesha Hawiye oo laga siiyay Wasaaradihii ugu liitay Xukuumada Cusub (Waasaradahee kamid ah)

Top News :Beesha Hawiye oo laga siiyay Wasaaradihii ugu liitay Xukuumada Cusub (Waasaradahee kamid ah)

daajis.com:-Sida ay noo xaqiijiyeen ilo kusugan Madaxtooyada Soomaaliya Beesha Hawiye oo kamid ah Beelaha ugu saameynta badan Soomaaliya ayaa markan laga siiyay Xukuumada Cusub Wasaaradihii ugu liitay taariikhda Dhaw.

Beesha Hawiye ayaa hada heesata ilaa Shan Wasaaradood inkastoo ay jiraan Warar sheegaya in laga yaabo in Wasaarad kale oo lixaad la siiyo si loogu qanciyo Wasaarado aan micno badan sameeneyn oo markan loo qoondeeyay Qabaa'ilada Hawiye si loo kala gaarsiiyo.

Sida xogta aan ku helnay Beesha Hawiye ayaa gabi ahaan laga ilaaliyay markan Wasaaradaha la xariira amaanka Qaran iyo sidoo kale Gaashaandhiga waxaana Wasaaradahaasi lakala siiyay ,Beesha Digil iyo Mirifle oo loo qoondeeyay amaanka qaranka iyo Beesha Shanaad oo iyana la siiyay Gaashaandhiga.

Wasaaradaha Beesha Hawiye loo qorsheeyay ayaa kala ah.

1-Wasaarada Arimaha Gudaha , oo laga jaray amaanka Qaranka 
2-Wasaarada Warfaafinta iyo Dalxiiska , oo laga jaray Isgaarsiinta iyo Boostada 
3-Wasaarada Waxbarashada , oo laga Jaray Tacliinta Sare
4-Wasaarada Kaluumeesiga iyo Kheyraadka Badda
5-Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Beesha Hawiye suurto gal tahay in loogu daro Hal Wasaarad oo laga soo jaray Beesha Shanaad taa oo noqon karta Wasaarada Howlaha Guud .

Sida xogta aan ku helnay Shantan Wasaaradood ayaa hada loo qoondeeyay Beesha Hawiye waxaana aad u dhaliilsan Wasaaradahan kuwii ugu liitay ee Hawiya helaana ku tilmaamay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Hawiye oo si hoose noola hadlay.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in ay kala cadaadaan xaqiiqda jirta marka lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada Xukuumada Cusib uu aad ula soo daahay Ra'izul Wasaare Cabdi Wali oo culeesyo dhinacyo badan ah la kulmayay Mudooyinkii dambe.

allbanaadir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada