Hadalka Naxariista Leh Waxa Uu Kobciyaa Jaceylka.

Hadalka Naxariista Leh Waxa Uu Kobciyaa Jaceylka.

daajis.com:-Jaceylka sidaa aanu horey qormooyin ugaga soo hadalney waxaa uu la micno yahey geed la beerey oo u baahan xanaaneyn iyo ilaalin joogta sida waraabinta iyo kool koolinta iyo wax yaabo badan oo kale oo uu mudan yahey.

Hadalada naxariista leh oo aad ku dhahdo lamaanaha aad la wadaagto jaceylka waxaa uu kobciya jirid adagna u sameeyaa jiritaanka iyo waaritaanka jaceylkiina.

Hadal kastoo oo naxariis leh oo aad u hibeyso jaceylkaaga marna lagama yaabo in si sahal ah uga tirmaanka maanka lamaanahaaga taasna 

waxaa ay aas aaska u usii adkeyneysaa jaceylkiina.

Ducada ayaa sidoo kale ka mid waxyaabaha kobciya jaceylka, waxaana waayadaan soo batey erayada macnaha weyn leh ee naxariista iyo ducada iskugu jiraan oo ay adeegsadaan lamaanayaasha.

Hal erey oo duco ah ama naxariis leh oo habeen kaliya ku dhahdo jaceylkaaga ma qiyaasi kartaa inta saameyn ay ku yeelan karto xiriirkiina, saameyntaasoo ah mid loo aayi doono.

Hadaba haka baqiilin jaceylkaaga u hibeynta hadalo naxariis leh iyo kuwo duco ah si aad u hanato qalbiga lamaanahaaga si dhab ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada